WAJAALE NEWS

Argentina oo joojisay Ciyaar Saaxiibtinimo oo ay la ciyaari lahayd Israa’iil

Xulka kubadda cagta ee dalka Argentina ayaa lagu soo warramayaa in ay joojiyeen ciyaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaari lahaayeen xulka kubadda cagta ee Israa’iil Sabtidii.

Waxaa lagu waday in ciyaartan ay ka dhacdo magaalada Qudus. Waxaa lagu waday inay noqoto ciyaartii ugu dambeysay oo ee ayciyaaraan xulka Argentina kahor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka oo bartmaha bishan ka billabanaya Ruushka.

Waxaa jiray cadaadis isasoo taraya oo saarnaa xulka Argentina oo ah in aysan la ciyaarin Israa’iil kaas oo uga imaanayey dibad baxayaal ka cadheysnaa habdhaqanka Israa’iil ee ku aaddan Falastiiniyiinta.

Cadaadiska ayaa sii xooggaystay kadib markii ciyaarta oo ka dhici lahayd magaalo xeebeedka Haifa laga wareejiyey, taas oo keentay in baadhitaan lagu sameeyo in masuuliyiinta Israa’iil ay kharash ku bixiyeen in ciyaarta loo wareejiyo Qudus.

Dhammaadkii todobaadka madaxa ururka midowga kubadda cagta ee Falastiin ayaa ka codsaday taageerayaasha inay gubaan sawirrada xidigga reer Argentine ee Lionel Messi haddii uu ciyaartaas ciyaaro.

Majiro war si rasmi ah uga soo baxay Argentina ama Israa’iil balse ciyaaryahan u ciyaara Argentine – Gonzalo Higuaín ayaa laga soo xigtya in uu yidhi ”go’aanka ah in aan la ciyaarin uu yahay kan saxda ah.”

Exit mobile version