Ma sharcibaa in qof maskaxda ka buka lagu hayo goobo guryo cidhiidhi ah aanay jirin dhamaan baahiyaadkii caafimaad ee bukahu u baahnaa ee aasasiga caafimaadka dawliga Iclaajyadu goormay bilaabmeen shaqadoodu sharcigu ma u ogolyahay in ay dad maskaxda ka buka ay ku hayaan goobahooda dadka cilaajyada ka shaqeeya aqoon ma u leeyahiin shaqadan ay hayaan goobta cilaajku ma tahay goob loogu talo galay in lagu daryeelo dadka maskaxda ka jiran oo ay u dhan yahiin baahiyaadkii iyo adeegyadii caafimaad ee uu u baahan yahay bukahu sida dr maskaxda goobo nasasho takale waxa iswaydiin mudan side loola dhaqmaa xoriyada qofka maskaxda ka jiran ee lagu hayo goobahaas cilaajyada
Awooda dawladnimo iyo sharciga dalka ka jiraa ma jirtaa siyaasad cad oo lagula socdo dadka lagu hayo goobaha iclaajyada iyo xaaladooda daryeel caafimaad
Iclaajyadu waa goobo ay ka socoto shaqooyin badan oo midba nooc ay u taagan tahay waxa jira dalkeena iclaajyo aad u fara badan qaar ka mid ah waxa lagu bixiyaa dawooytin dhir ah oo dalka dibada uga yimaada qaar ka mida waxa lagu hayaa dadka ka jiran dhimbirka hadaba waxa haboon in la is waydiiyo aqoon intee leeg ayey u leeyahin iclaajka iyo dabiibkiisa dadka iska leh goobahan iclaajyada wasaarada caafimaadka Somali land maxaa uga qorshaysan goobahan iclaajyada iclaajyadu ma ku furan yahiin sifo sharci dawladeed ah
Xanuunka durada JINKA oo ay u badan yahiin dumarka side lagu kala garan kara xanuunka garashada maskaxa jinka sxirka isha marka dadwaynahu ay la xidhiidhayaan goobaha iclaajyada dumarka miyaan loo baahnayn dumar haya
iclaajyadu waxay samaysmeen waqtigii burburkii dawladii hore ee somaalia dalka waxa ka shaqayn jiray awooda shaqo caafimaad ee dawliga ah sida dhakhtarada farmasiyo xadidan iyo tayada daawooyinka dalka iman jiray oo ahaa daawooyin lagu kalsoon yahay waxa soo raaci jiray culumo wadaada oo quraanka kariimka wax ku dabiiba sida ilaahay yidhi quraanku waa idin daawo ee isku dabiiba hadaba waxa loo baahan yahay in dadka maskaxda ka jiran oo u baahan sharci caafimaad oo lagu daaweeyo lagula dhaqmo daryeelkooda caafimaad iyo goobo ku haboon oo loogu talo galay in ay ka helaan dhamaan baahiyaadkii caafimaad ee ay u baahnaayen
DR: Buux Ibrahim aadam
EMAIL:Buux2010@gmail.com
00252 63 4130821