WAJAALE NEWS

Garsoore Ka Warbixiyay Xukunka Ay Maxkamada Goboka M/Jeex Ku Riday Sxafiyiinka Tirsan Warbaahinta Madaxbanaan.

Hargeysa(Wajaale  News)-maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa maanta xukun ku riday sadex weriye oo ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland. Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil oo ka mid ah garsoorayaasha maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa waxa uu shaaca ka qaaday xukunka lagu riday saxafiyiinta ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland. Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa markii uu xukunka ku riday saxafiiyintan ka war bixiyey waxyaalaha lagu eedeeyey iyo nooca xukunkooda waxaanu yidhi “mudo bil iyo badh ka hor ayaa waxa laygu soo qoray kiis ay ku eedaysan yihiin afar suxufi kuwaas oo kala Siciid Khadar, Xasan Maal Dhidar, Cabdisalaan Cabdirashiid iyo Cabdicasiis Bashiir Nuur kuna eedaysan qodobada 505,321 iyo 328 kuwaas oo lala akhrinayo qodobka 71-aad ee xeerka ciqaabta guud kuwaas oo ah qodobo la xidhiidha mudaharaad sharci darro ah, kicin dadweyne iyo amar diido maamul.” Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Dacwada waxaanu soo wadnay mudo bil ah si aanu u xaqiijino maragyada oo aanu iskaga hubsano maantana way dhamaatay xukunkuna aanu ku riday saxafiyiintaas waxa uu kala ahaa, Maxkamaduna waxay danbi ku heshay Siciid Khadar Cabdilaahi, Danbiile Cabdicasiis Bashiir Nuur iyo Cabdisalaan Cabdirashiid waxaanay ku xukuntay sadexdaas danbiile ganaax lacageed oo dhan 600,000 SL/Shilling” Waxa ay maxkamadu gobolku danbi ku wayday eedaysane Xasan Maal Dhidar kaas oo ay fasaxday isla markaana aan lagu ridin wax xukun ah.   Wajaale News Hargaysa Office Email:wajalenews@gmail.com Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version