Hargeysa (Wajaale News)- maxkamada Gobolka Hargeysa Garsoore Cismaan Ibraahin Daahir, ayaa Maanta xukun ku riday masuuliyiinta wargeysa madaxa banaan ee Hubaal.
Maxkamada degmada Hargeysa ayaa xukunka ku riday laba masuul oo ka tirsan wargeysa hubaal kuwaas oo kala ah Mareeyaha wargeysa Hubaal Maxamed Axmed Jaamac Caloolay oo ay maxkamadu ku riday hal sano oo xadhig ah iyo hal milyan oo lacagta Somaliland ah taa soo looga dhigay ganaax, halka tafatiraha wargeysa Hubaal-na la dul dhigay labasano oo xadhig ah iyo laba milyan oo ganaaxa
Garsoore Cismaan Ibraahin Daahir oo ah garsooraha xukumay masuuliyiinta wargeysa Hubaal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wargeysa Hubaal ku cadaatay in uu sammeeyey Been abuur, Aflagaado iyo Wanjalaad.
Dhawaaqa ka soo yeedhay Maxkamada ayaa ah mid la buun buuniyay isla markaana la bedelay guud ahaanba waxa wargeyskaasi lagu haysto.
Masuuliyiinta Wargeysaka Hubaal ayaa isla maantaba Xabsiga loo taxaabay arintaasi oo fajac iyo yaab dhalisay kana cadhaysiisay guud ahaanba Saxaafada Madaxa bannaan ee ka hawl gashaDalka Somaliland.
Waxana isla markiiba Falkaasi si kulul u canbaareeyey Masuuliyiinta Axsaabta Mucaaridka ah ee Dalka, sida Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid, Jamaal Cali Xuseen iyo Madaxa Xafiiska Warbaahinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani.
Wajaale News Desk
Hargeysa / Somaliland