WAJAALE NEWS

Faysal Cali Warabe Oo Jawaabtii Ugu Kululayd Siiyey Wasiir Ku Xigeen Xukuumaddu U Shiidaaliso Aflagaadadiisa

HARGEISA WAJAALENEWS Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horaysay si adag ula hadlay Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga ee aay xukuumaddu baryahan dabe u soo shiidayli in ii aflagaadeeyo Fysal Cali waraabe balse  faysal Cali waraabe ayaa sheegay in uu gacanta ula tagi doono masuulkaasi waliba xafiiskiisa,isaga oo arrimahan ka hadlaya waxa uu yidhi”Inan yar oo Xamaal ka ahaa London ayaa maalin kasta Hargeysa iigu caaya, hadaad Mar dambe i caydid Xafiiskaan kuugu iman oo waan ku garaaci” Faysal Cali Waraabe.
Waa markii ugu horaysay ee uu faysal Cali Waraabe sidan oo kale ula hadlo masuul ka tirsan xukuumadda silanyo,balse Faysal Cali warabe waxa laga sugayaa hadiiba uu mar kale sidii hore looga bartay wasiir ku xigeenka gaashaandhiga uu dhaliilo in uu la dagaalami doono iyo in kale
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;wajalenews@gmail.com
Exit mobile version