WAJAALE NEWS

Diyaaradda Dalka Itoobiya Ee Ethopian Air Line Oo La Afduubay.

Geneva(Wajaalenews)Warar hada soo baxaya ayaa sheegaya in Diyaarada Itoobiyaan Airline  oo ka duushay magaalada Addis Aababa kuna sii jeeday magaalada Rome ee dalka Talyaaniga lagu qasbay inay ku degto magaalada Geneva ee xarunta  dalka Switserland kaddib markii la afduubay diyaaradaasi.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa ka soo xigtay Boliiska Switzerland aduubka diyaaradan oo xaqiijiyey in lagu soo dejiyey diyaaradan gagida diyaaradaha ee Geneva.iyadoo ay Boolisku intaasi ku dareen in la xidhay  dadkii aduubka gaystay in kasta oo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin waxa ay ahaayeen dadka afduubka gaystay.

Dhinaca kale  Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegtay inay nabad qabaan dhamaan dadkii saarnaa diyaaraddaas oo tiradoda lagu sheegay ilaa 200 oo rakaab ahaa,sidoo kale Wargayska Tribue de Geneva ayaa sheegay in diyaaradda la afduubay markay dul maraysay hawada dalka Sudan,in kasta oo anay wali xaqiijin shirkadda Diyaradaha Itobiya halka ay maraysay marka la afduubay.

Ilaa iyo hada warar  kala duwan ayaa ka soo baxaya dadka diyarada afduubay nooca ay yihiin balse wararka ayaa u badan in ay dadkani ahayeen dad magangalyo doon ah kuwaasi oo xoog ku doonay in meesha ay doonayaan lagu dajiyay

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version