Wasiirka arrimaha gudaha ee Iran Abdolreza Raxmani-Fazil ayaa ka codsaday Pakistan inay qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah isla markaana ay ka hawl gasho sidii loo soo dayn lahaa askarteeda lagu haysto Gudaha dalka pakistaan.
Aduubka ciidankan reer Iran waxa sheegtay in ay afduubteen Koox Sunni ah oo lagu magacaabo Jaysh al-Cadla kuwaasi oo soo bandhigay sawir muujinaya muuqaalka Askarta afduuban,muuuqaalka ay dablayda wax afduubtay soo dirtay ayaa waxa laga baahiyey Telefishanka Al-carabiya waxana laga soo xigtay mid ka mid ah askartaasi oo leh waan caafimaad qabna,kooxdan wax afduubtay waxa ay dalbadeen in la sii daayo ilaa 30 maxbuus oo ku jira jeelasha dalalka Iran iyo Suuriya.
Wasiirka ayaa intaasi ku sii daray in anay dawladda Iran sii dul qaadan karin isla markaana ay dalkeeda ka difaacayso wax kasta oo dibedda kaga yimaada waxana uu ku nuux nuuxsaday in haddii Pakistan jawaab deg deg ah bixin waydo ay ciidankoodu gali doonan gudaha Pakistan oo ay adeegsan doonan hawada iyo dhul dalkaasi ayuu yidhi,gaar ahaan Gobolka Baluchistan oo ah goob uu iska horimaad ku dhexmaro ciidammada Iran iyo fallaago Sunniyiin ah oo ka soo horjeeda dowladdasi.
si kastaba ha ahaatee waa waxa laga war sugayaa jawaabta ay ka bixiso dawladda Pakistan hadalkan kaga yimid dawladda Jaarkeeda ee Iran.
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane