WAJAALE NEWS

DAAWO;SHIRKADA ZAM ZAM EE KU GUULDARAYSATAY BIYO SIINTA GABILEY IYO CAQABADAHA AY KU HAYSO BIYO GALINTA MAGAALADA WAJAALE

GABILEY(WAJAALENEWS);Shirkada maamusha biyaha magaalada gabiley oo mudooyinkii u danbeeyay laga dayrinayay xaalada adeega ay gacanta ku hayso iyadoo ka haqabtiri kari wayday bulshada reer gabiley,

Waxaa mudooyinkii u danbeeyay cabasho xoogan laga  muujinayay habka ay biyaha u maamusho shirka zamzam o ah shirkad madaxbanaan kootana ku haysata biyo siinta magaalada gabiley ayaa dadwayanaha cabashadoodu waxay ku salay santahay, iyagoo dayacay in magaaladu hesho biyo ay ka haqab baxdo ,dhinaca biyo galinta ay ku xidhaan dhaqaale ayna dadku qaadi Karin madaxna iskugu galiyeen dadkii, qasabaha kala talaalan lahaa,

Golaha deegaanka degmada gabiley oo ah golihii dadku soo doorteen ayaan waxba ka qaban tabashada bulshada soo dooratay iyadoo ay maamulida biyuhu tahay shaqadodii marka laga reebo ajandahooda ay ku darsadaan.

Wasaarada biyaha soamliland ayaa marnaba hoos u eegin cabshada dadwayanaha reer gabiley ay ka muujiyeen shirkada gacanta ku haysa adeega biyaha gabiley oo noqotay shirkad dhinac martay awooda biyaha amaba xeerka maamulka biyaha ee ay dawladu korka kala socoto

Dhinaca kale shirkada zamzam ayaa caqabad ku noqotay biyo galinta magaalada wajaale oo haraad dishooday,biyo galinta wajaale ayaa waxaa isku xilqaantay shirkada shaafi company oo iyadu hantideeda galisay sidii mar uun reer wajaale u cabilahaayeen biyo macaan.

Hadaba waxaa wax lalayaaba ah shirkad adeegii ay bixinaysay ku guuldaraysatay ayaa hadana caqabad ku ah in magaalo ganacsiyeedka wajaale hesho biyo madaxbanaan, waxaa dawlada laga sugayaa sidii ay ula xisaab tami lahayd dayacayaasha adeega bulshada ee zamzam oo hadana ku dadaalaya sidii ay magaalo kale u curyaamin lahaayeen.

Halkan ka daawo

http://youtu.be/gTk45YlytBk

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version