Muqdisho(W,N)-Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa goordhawd oo lagu soo bandhigay meydadka ilaa 10 ruux oo rayid ah oo la sheegay in lagu dilay howlgal ay wada jir uga fuliyeen ciidamo Mareykanka ah iyo kuwa Soomaaliya deegaan u dhaw degmada Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose ee magaalaada mudisho.
Dadka oo intooda badan la sheegay in ay isku qoys ka soo jeedeen oo ay kamid ahaayeen labo carruur ah oo ka mid ahaa dadka maanta meydadkooda la soo bandhigay.
Ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyeen ciidamo Soomaali ah ayaa la sheegay in waabarigii hore ee saaka ay howlgal ka sameeyeen dhul beeraley ah oo ku dhow Bariire, halkaasoo dadkan ay ku dileen.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo la xidhiidha weerarkan la sheegay in lagu dilay dadka rayidka ah.
Taliska howlgalka gaarka ee Ciidamada Mareykanka ee Africa, ayaa sheegay in ayna jirin duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen Bariire 24-kii saac ee lasoo dhaafay.