WAJAALE NEWS

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay In Bisha February Horaanteeda Muwaadiniinta Reer Somaliland La Diiwaangelin Doono

Hargeysa (Wajaalenews) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in bisha fooda inagu soo haysa ee February 1-da dalka oo dhan laga qaban doono diiwaan-gelinta Muwaadiniinta reer Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ay wehelinayaan Badhasaabada dalka, mayoro iyo hawl wadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in diiwaangelintan dalka laga qaban doono ay kala saari doonto dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo Ajanabiga kale.

Hadal kooban oo uu Wasiir Cali Maxamed Warancade halkaasi ka soo jeediyay ayaa waxa uu ku yidhi

“Waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa xeer nidaamiyaha qeexaya

qaadashada jinsiyada ama dhalashada Somaliland.

kaadhkaasi oo noqon doona Astaanta kaliya ee lagu aqoonsan doono qofka u dhashay Dalkan Somaliland.

waxa uu hirgalayaa xeernidaamiyahani 1-da bisha 2-aad ee sanadkan 2014. Fulinta xeerkan waxaa ka qayb qaadanaya dhamaan Hay’addaha ku shaqada leh Jinsiyaddaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Xisbiyadda Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo cidii kale ee Xeerku xaq u siiyo fulinteeda.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wuu Sii Watay Hadalkiisa Cali Maxamed Warancade, waxaanu yidhi   ” Eray bixin, Muwaadin waxa loola jeedaa Qof kasta oo ka Isiran dadkii deganaa Geyiga Somaliland 26-kii Juun 1960-kii iyo wixii ka horeeyay iyo Qof si sharciya u qaatay Dhalashada Somaliland.’Laaji’ waxa loola jeedaa Qof kasta oo loo aqoonsado Qaxoonti oo ku sugan Dalkan Somaliland.

 ‘Ajanabi’ waxa loola jeedaa qof kasta oo aan ahayn Muwaadin Somaliland ah.’Qaan-gaadh’ waxa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da’diisu gaadhay 15 sano iyo wixii ka badan.’ Caruur’ waxa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da’diisu ka yartahay 15 sano. ‘Aabba laawe’ waxa loola jeedaa Ilmaha aan la aqoonsan Aabihii, balse leh hal waalid oo la yaqaano ah hooyadii.

Muwaadinimada u dhalashada ah: waxa muwaadin dhalad Somaliland ah Qof kasta oo uu dhalay Aabbe ka isiran dadkii Somaliland deganaa 1960-kii. qofka dhaladka ahi wuxuu qaadan karaa dhalasho wadan kale isaga oo aan luminayn dhalashadiisa Somaliland-nimo.

Muwaadin kasta oo Somaliland ah oo ku nool wadamada shisheeye, dhalasho kalena haysta waxa uu qaadan karaa kaadhka dhalashada marka u horaysa ee uu soo galo Dalka Somaliland.”

Geesta kale Mayorka Magaaladda Berbera Cabdishakuur Cidin oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in talaabadan lagu diiwaan gelinayo Muwaadiniinta Reer Somaliland ay faa’iido weyn u keenayso sidii loo kala aqoonsan lahaa muwaadiniinta iyo dadka aan u dhalanin Somaliland.

“Waxa aanu soo dhaweynaynaa barnaamijkan lagu diiwaan gelinayo Muwaadiniinta reer Somaliland, runtii waxa aad ku arkaysaa magaalooyinka dadka aan dhalasho ahaan ka soo jeedin Somaliland oo samaystay Cuqaal oo hadii ay wax dhacaan waxa uu ku odhanayaa caaqil hebel ayaa arrintaasi gelaya” ayuu yidhi.

Geesta Kale Mayorka Magaalada Hargeysa, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Badhasaabka Sanaag iyo Badhasaabka Gobolka Awdal oo iyaguna halkaasi hadalo koob-kooban ka soo jeediyay ayaa barnaamij wanaagsan ku tilmaamay diiwaangelinta muwaadiniinta reer Somaliland

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version