WAJAALE NEWS

Wasiir Muslim Ah Oo Lagu Dilay Dalka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe Daawo Vedio.

wasir killBangui, (Wajaale News):- Wasiir ka tirsanaa xukuumada talada wareejinaysa ee Jamhuuriyada afrikada dhexe, ahaana nin muslim ah ayaa koox hubaysan oo kiristaan ahi ku dileen magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Bangui.

Wasiirkan muslimka ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Joseph Kalite, waxa sida wararku sheegeen la weeraray xili uu taxi ku dhex marayay caasimadda dalkaas ee Bangui, waxaanu dilkiisu ku soo beegmay muddo kooban ka dib markii la dhaariyay Madaxweynaha ku meel gaadhka ah Catherine Samba-Panza.

Muslimiinta dalkaas ayaa canbaareeyay weerarkan kuna tilmaamay mid fulaynimo, hasa yeeshee waxa uu ka mid ahaa, weeraro is daba joog ah oo lagula kacayay muslimiinta tan iyo intii maleeshiyadoodi Seleka ay ka baxday caasimadda, ka dib markii faro galinta ciidamada Faransiisku

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version