DHINACA TAYADA WAXBARASHADA
WAJAALENEWS Tayada waxbarashada D/h/dhexe waxay maraysaa halkii ugu hoosaysay, oo waxay qarka usaaranyihin inay xidhmaan. Soomaalidu waxay ku maahmaadaa, waxa umusha u dan ah ayaa ilmaha u dan ah, sidaa darted marka macalinka noloshiisa lahagaajiyo niyadiisana kor loo qaado ee loo sameeyo nidaam uu dalacayo , waa hubaal in ardayguna helayo waxbarasho tayo leh islamarkaana waxa macalinka xaq loogu leeyahay in lagula xisaabtamo habka u duruusta u gudbinayo iyo saacadaha shaqadaba(punctuality).
Laakiin markii kulmiye ololihii doorashad ukusoo galay waxbarashada asaasiga ah inu bilaash kadhigayo, islamarkaana ay balan qadeen in mushaarka macalimiinta ama an I dhaahdaba shaqaalaha dawladee ay kordhin doonaan 300% , ay iyagoon ku guulaysan inay kordhiyaan balantii, ay nasiib daro wasaarada waxbarashadu ku dhawaaqday in lajoojiyay feegii yaraa ee ardayda laga qaadi jiray , arintaasoo saamayn taban ku yeelatay nolosha macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada h/dhexe islamarkaana sobobtay in macalimiintii tayada lahaa ay u yaaceen dugsiyada garka loo leeyahay, sidoo kalana bulshada intii iska bixin karaysay lacagta qaaliga ah ee dugsiyadaasi ay ubadkoodii kala baxaan dugsiyada dawlada oo ay geeyaan dugsiyadaasi gaarka loo leeyahay(private schools). Sikastaba ha ahaatee dugsiyadii dawlada waxa kusoo hadhay danyartii oo aan waxbarasho ku haysan , waayo macalin lagu yidhi adiga iyo qoyskaagu ku noolaada 600,000 sl shilling ardaydana wax bar waa cadaan in aanay jirin moral uu wax ku baro isla markaana aan la awoodin in lagula xisaabtamo wakhtiga waayo xataa haduu noqdo xamaal oo u ciyaalkiisa u xamaasho waa hubaal in u sifiican u biishan karayo ubadkiisa. Arintani waa mid u baahan gurmad qaran hadii kale waxaynu arki doonaa dugsiyadaasi oo xidhmay, waxa kale oo an ognahay in bulshadeenu u badantahay dan yar aan awoodin lacagta qaaliga ah ee dugsiyada gaarka loo leeyahay ay ka qaadaan ardayda .marka horaba dastuurkeenu wuxu dhigayaa in waxbarashada asaasiga ahi bilaash noqoto balse xoogayga waalidku bixin jiray waxay ahayd wax waalidiintu u garteen macalimiinta, si macalinkuna u noolaado ubadkuna u helaan waxbarasho tayo leh, waalidka iyo wasaaraduna heshiis ayay ku ahaayen, waxana meesha an ka madhnayn , marka ay timaado dawlad damaanad qaadi karta nolosha macalimiinta in bilaash ay noqonnayso waxbarashada asaasiga ahi.waxanu waraysanay qaar kamida walidiinta awoodi waayay inay ubadkooda geeyaan dugsiyda gaarka loo leeyahay ,waxayna noo sheegeen in ubadkooda ay aad uga walaacsanyihiin xaaladooda wax barasho isla markaana aanay garanayn wax ay sameeyaan . hooyo amina ismaaciil oo kamid ahayd waalidiintaasi ayaa waxay tidhi : fiiga yare e lanaga qaadi jiray wuxu ahaa mid aan waxba nayeelayn ciyaalkuna waxbarasho fiican ayay heli jireen laakiin arintan waxan u aragnaa mid albaabada loogu xidhayo dugsiyada dawlada .
Hadaba waa markii ugu horaysay tan iyo markii an xoriyadeena dib ulasoo noqonay ee tayada waxbarashdu ay sidan hoos ugu dhacdo, waxanan qoraalada danbe kusoo bandhigi doonaa waxyaabaha aasaaska uah in xaalada waxbaarashada Somali land ay sidan noqoto ,anagoo ka eegi doona dhinacyada maamulka,khibrada , kartida iyo arimo kale oo badan oo ku gadaaman wasaarada.
KALASOCO QAYBAHA DANBE WAJAALENEWS
WAJALENEWS@GMAIL.COM