WAJAALE NEWS

Xukuumada Oo Xuduudka Ku Hor Istaagtay Ugaaska Beelaha Samaroon Iyo Rabshado Dhaawac Sobobay Oo ka Dhashay.

BOORAMA(W,N)-Rabshado ka Dhashay Is Hortaa Ciidamada Booliska ku sameeyeen Ugaaska guud ee Beelaha Samaroon iyo Dhaacawa Hal Qof.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay mudaharaad xoogan oo khasaare sababay.

Waxaana Mudaharaadkan  ku dhaawacmay Hal ruux.

Mudaharaadkan ayaa la sheegay in uu yimid ka dib markii Deegaanka xuduudka ee goroyo cawl xukuumadu ku horjoogsaday ugaaska beelaha samaroon oo doonayay in uu yimaado magaalada boorama taasi oo sobobtay in ay isku dhacaan dadkii soo dhawaynayay iyo ciimada oo markii danbe rasaas nool u adeegsaday dadkan.

Waxaana magaalada Boorama ka taagan xiisad cakiran oo lala xidhiidha arintan soo geli taanka Ugaaska ee magaalada.

Muddooyinkii ugu dambeeyay gobolka Awdal ayaa waxaa ka taagnayd xiisad la xidhiidha saami qeybsiga Golaha Wakiillada Somaliland.

Exit mobile version