WAJAALE NEWS

WAR-SAXAAFADEED Waxa caawa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Dalka Ethiopia Guddida Somaliland ku metelaya wadadahadala u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya

WAR-SAXAAFADEED

Waxa caawa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Dalka Ethiopia Guddida Somaliland ku metelaya wadadahadala u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo muddooyinkii ugu danbeeyay ku sugnaa Magaalada Adis-ababa ka dib markii ay halkaasi ku qaateen aqoon iswaydaarsiyo iyo kulamo kala duwan oo ay kaga arinsanayaan sidii guulo ugala soo noqon lahaayeen wada-hadalada Dalka Turkiga. HARGEISA WAJAALENEWS Weftigan oo ku sii jeeda Magaalada istanbul ee Dalka Turkiga, halkaasi oo ay ka dhacayaan wejigigii Shanaad ee Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa iskugu jira Afar Wasiir iyo Saddex xubnood oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka jamhuuriyada Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isagu hogaaminaya Weftigaasi ayaa sheegay inay gudidan ku sii jeeda dalka Turkiga ee ka  ambabaxay Magaalada Adis-ababa, ay halkaasi u tegayaan Wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana rajaynayaan in ay guul kala soo laabtaan taasi oo qaranka iyo shacbiga somalilandba farxad gelisa. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland waxa uu sheegay in uu guud ahaanba shacabka ku guubaabinaayo inay taageeradii lagu yiqiin la barbar istaagan guddidaasi, waxaana uu sheegay inay guddidani wakiil ka yihiin shacabka Somaliland sidaa awgeedna reer Somaliland meel ay joogaanba muujiyaan dedaal iyo niyad sami dheeriya, Somalilandna ay heli doonto waxay beesha caalamka ka rabto insha allaa sida ugu dhakhsaha badan. ALLAA MAHAD LEH Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE CONTACT; wajalenews@gmail.com

Exit mobile version