WAJAALE NEWS

Urur-Goboleedka-IGAD-Oo-Goaamo-Ka-Soo-Saaray-Hirgalinta-Xabad-Joojintii-Ay-Kala-Saxeexdeen-Dhinacyada-Ku-Hirdamaya-Koonfurta-Sudan.

Addisababa(Wajaalenews) Madaxda dalalka urur goboleedka IGAD oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isku raacay in guddi kormeerayaal ah oo hubiya hirgelinta xabbad-joojintii ay kala saxiixdeen dhinacyada ku hirdamaya dalkaasi.

Go’aanka IGAD ayaa lagu sheegay in kormeerayaashan ay 48-ka saacadood ee soo socda gaadhi doonaan dalka Koonfurta Suudaan, iyadoo go’aankan uu noqonayo kii ugu adkaa ee IGAD ay ka qaadato colaadda Koonfurta Sudan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhaweeyay heshiiskaas, isagoo sheegay in IGAD ay door muhiim ah ka qaadanayso sidii lagu joojin lahaa colaadda Koonfurta Suudaan oo sahayatay kumannaan qof oo u badan shacab.

Shirka IGAD ay kaga hadleen colaadaha Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socday dalalka urur goboleedka IGAD kala shaqeynaya sidii xal loogu heli lahaa colaadda Koonfurta Suudaan oo uu Mareykanku ka mid yahay.

Qodobada kale ee shirka kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in dadkii geystay xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda bani’aadamka iyo dilalkii ka dhacay dalka Koonfurta Suudaan intii colaaduhu socdeen lala xisaabtamo.

Dhanka kale, waxaa kulanka ka hadlay dhexdhexaadiyada IGAD u qaabilsan xal u helidda colaadaha Koonfurta Suudaan, Seyoum Mesfin, isagoo xusay in la billaabayo la xisaabtanka kuwa dambiyada geystay.

“Waxaan ugu baaqayaa ururrada IGAD iyo Midowga Afrika in baaritaan dhab ah lagu sameeyo xadgudubyadii ka dhacay Koonfurta Sudan iyo dambiyadii la galay, ciddii lagu helana la horkeeno cadaaladda,” ayuu yidhi  Mesfin.

WAJAALENEWS DESK

Exit mobile version