Sheeko kale Keen: Cid Aan Ehel U Ahayn!
Cabdisalaam Yaasiin
Rasuulki (NNEKHA) markiiba uma jawaabin ee hadlkii ayuu si waday. Asxaabtii dhegaysanaysay qaar waxay u qaateen in uu su’aasha ninka reer miyiga ah maqlay aanu se jeclaysan. Qaarna waxay u qaateen in aanu su’aasha ninka reer miyiga maqlin.
Muddo ka dib se, markii uu Rasuulki (NNEKHA) hadalkiisii dhameeyay, ayuu yidhi, “Mee ninkii saacadda i weydiiyay?” Ninkii wuxu ugu jawaabay. “Wa i kan, Rasuul Allow.”
Raasuulki (NNEKHA) wuxu yidhi, “Haddii ay dayacanto amaanadu, saacadda filo.”
Ninki wuxu Rasuulka (NNEKHA) u celiyay, “Sidee ayay u dayac maysaa amaanadu?”
Rasuulki (NNRKHA) wuxu yidhi, “ Haddii talada loo dhiibo cid aan ehel u ahayn, saacadda filo!!!”