Waxaa kale oo ka mid ahaa raggaas nin muddo dheer wasiiru maaliye ka ahaa nidaamkii BARRE oo la odhan jirey gaashaale sare maxamed sheikh cusmaan askerigaasi
Marka ugu horeysa waxaan ka raaligelinayaa akhristayaasha maqaalkan kala go,ii dhowrkii cisho ku yimid maqaalka oo ahayd anigoo hawlo ii gaara ku mashquulsanaa,hadaan dib ugu noqdo taxaneheenii booli qaran,way farabadnaayeen ragga ku mamay hantida masaakiinta mana soo koobi karo,raggaas waxaa kale oo ka mid ahaa nin agaasime ka noqday baankii dhexe ee soomaaliya. Sarkaalkaasi waxaa uu jidka soddonka agagaarka Baar –Ubax ka dhistay dhisme aad u balaadhan oo laga dhigay carwo lagu iibiyo alaabta laga soo waarido dunida dacaladeeda,xaruntaas ganacsi waxaa uu ugu magac daray ‘’NBC’’ oo macneheedu ahaa ,Nasri Bisnis Center,hase ahaatee dadka reer muqdisho magacaas NBC,waxay ku naaneyseen ‘’Nacaskii Bangiga Cunay’’,u fiirso imisaynu
aragnay maanta inta gawaadhi laga dhacay xoolaha dowlada lagu dhejiyo isloogano xayaysiis ah ooy ku qoran yihiin ‘’Maasha Allaah Tabaarakalaah ama tawxiidka iwm.Markii uu dagaalku ka qarxay muqdisho xaruntii NBC waxay ahayd,goobihii ugu horeeyay ee inta la fadhataysta dab la qabadsiiyey oo dhuxusha noqotay.
Waxaa kale oo ka mid ahaa raggaas nin muddo dheer wasiiru maaliye ka ahaa nidaamkii BARRE oo la odhan jirey gaashaale sare maxamed sheikh cusmaan askerigaasi waxay shuraako ku ahaayeen Barre inay qaydhiinka ku kala goostaan dhamaan dewerada laga heli jirey wadamadii EEC-da iyo kuwa amaahaada bixiyaba,G,sare maxed sh cusmaan waxaa aqalo ka badan 100 ka jeexday inta udhaxaysa madaarka muqdisho illaa agagaarka geerashkii xaaji-dool,ilaa No4, waxanay gaadhay heer uu kala garanwaayo aqaladaas xaaraanta ahaa tiradooda.
Askerigaasi inan uu dhalay oo lagu naaneysi jirey maykal ayaa dalka talyaaniga ka soo iibsaday Ey nooca rabaysan ee dadka la nool oo loogu yeedhi booby,isagoo soo siistay lacag qaali ah oon dunidaba ool,kaaga sii darane eygaas dhakhtarkiisu dhowrkii biloodba mar ayuu muqdisho iman jirey isagoo ahaa dhakhtar ku takhasusay sida eyda loo dabiibo, iyadoo lagala qashaafay kuwii xoolaha daweyn jirey ee soomaaliyeed. Waxaan u soo joogay wasiirkaas maaliyada oo inan yar oo mooryaan ahi inta uu kaladhka haysto leeyahay kazoo bax aqalka yaa adiga kelidaa ku siiyay hantida umadda,isagoo wasiirku uu doonayay inuu guriga ka kireeyo hayad ajnebi ah markii ay dhacday dowladii kacaanku.
Dowladda sidaas u boobeysay hantideeda waxay lahayd xafiis lagu magacaabi jirey gudida sare ee xisaabi xil maleh,gudidaasi waxay dabagal iyo kormeer ku samayn jireen goobo cayiman oo loo ogolyahay,haba yaraatee faraha lamay geli jirin kuwa ka agdhow madaxtooyada iyo guulwadayaasha kacaanka daacada u ah. Waxaanse aan aad ula yaabay maalin maalmaha ka mida anigoo radio-muqdisho ka dhegaysanaya warka oo akhrinayey wariye la odhan jirey Haydara in maxkamadii badbaadada dalku ee uu madaxa ka ahaa maxamuud geelle yuusuf ‘’indhacase’’shan sano oo xadhig ah ku xukumay nin gudidaasi maxkamada hor keeneen oo shaqaale hoosaad ka ahaa dhakhtarkii guud ee digfeer,gudoomiye geelle markii uu cadaymo ka dhagestay markhaatiyaal maxkamada la horkeenay ayuu si naxariis daro sharciga ula tiigsaday ninkaasi maskiinka ahaa oo dhakhtarka ka xaday Buste,Go sariireed, iyo barkimo loogu tala galay dadka bukaanka ah,waa ayaan daro iyadoo tuugtii waaweyneyd dardarsanayaan tuug saqajaanka la xukumo.Hase ahaatee tan iyo intii nidaamka soomaliland yimid maan maqal habar mafiiq xaday oo la xukumay balse kuwa xada xoolaha umadda waxaa loogu abaal gudaa dalacsiin iyo shahaado sharafeed.
Sikastaba ha ahaatee markii jaalleBarre ka cararay muqdisho oo ay xoogagii usc la wareegeen magaalada muqdisho ayaan marlabaad soo booqday xafadii booli qaran si aan indhahayga ugu soo arko bal siday ku danbeysay, waa xaafadii quruxda badnayd ood moodo in dhulgariir ama sunami ku dhufatay oo inamo yaryar oo jaadka gaangeytaha loo yaqaan ku marqaamaya oo inta ay baroono qoryo ku rakiban yihiin u dhexyaalaan ku heesaya ‘’adoo fuulo kaare weyn kaarabiin ma kaaga qaaday’’oo weliba guryaha qaarkood inta dameero lagu xareeyey caws loo dhigay.
Waa aragti ka duwan tii shalay waxaan soo xasuustay maahmaadii ahayd ‘’hal booli ahi nirig xalaala ma dhasho’’ iyo weliba maansadii hadraawi ee ahayd ‘’ hadaan sidii bagagidii banaadir indhuhu ka nixin’’.
Xaqiiqdii waxaan galabtaas bartay cashar lagu cibriqaato taasoo laga baranayo in dulmi kasta oo dhacaa cawaaqibkiisu noocaas noqdo,nidaamkaas aan ka soo sheekeeyay weli may dhicin inta dan guud oo inta la boobay gidaaro lagu wareejiyey oo la leeyahay qaarkood ganacsato ayaa laga iibiyey,imisa aqal oo booli qaran ah ayaynu maanta hargeysa ku aragnaa,waa nasiib daro in kuwii shalay lahaa dulmi ayaa nagu dhacay ay maanta isugu faanayaan siday u xaraashi lahaayeen,iskuulada,dhakhtarada iyo malaha masaajidada, Waxaynu u joogney halhayska ah ku qabso ku qadimeyside oo noqday guulaha ay ku faanto Somaliland ee ictiraafkana lagu sugayo,
Akhristayaal qalinkayga kala bakhayli maayo inaan mustaqbalka soo bandhigo booli-qaranta somalilanta,
Dhamaad;Qalinkii Xuseen Siciid-Mataan.