Saamayn Maku Yeelan doontaa Safarka Madaxwaynaha ee Dalka Faransiiska Shirkadii Total ee Laga Eryay Dalka Somaliland?faalo
Editor:
HARGEISA WAJAALENEWS ;Wafti balaadhan oo uu madaxwaynaha somliland hogaaminayo ayaa maalmihii u danbaysay ku sugnaa dalka faransiiska waftigan oo martiqaad rasmiya ka helay dalka frace.
Safarka madaxwaynaha ayaa sida ilo wareedyo faransiiska sugan aanu kahelayno ayaa waxay tibaaxayaan in madaxwaynaha iyo waftigiisa ay ka hortimid dacwad kadhan ah shirkadii maamul jirtay haamaha shidaalka barbera ee xukuumadu kaga baxday heshiishkii hore somliland ula sexeexatay shirkada total
Dacwadan ayaa lasheegayaa in ay ku soo oogeen maamulka total ee xaruntoodu tahay paris, waxayna saamayn xoogan ku yeelatay kulamdii waftigu lasamaynayeen shirkad lafilayo inay maal galiso dekeda Barbara,
Shirkada total oo ah shirkad caalamiya somalilandna kula jirtay heshiish mudadiisu ahayd 50 sano islamarkaana ahayd shirkada kaliya ee dawlada Somaliland oon la aqoonsan la saxeexatay heshiish caalamiya oo ka dhignaa xaga maalgashiga aqoonsi dadban caalamiya, heshiishkana waxaa an sixiyay golaha wakiilada somliland
Masuuliyiin shirkada total ayaa xiligii dawlada siilaanyo xilka lawareegtay loola dhaqmay si anshaxa kabaxsan,waxaana saldhiga Barbara lagu xidhay masuulkii halkan u fadhiyay shirkada total.mr sacad cilmi khadari, waxaana sifo sharciga kabaxsan looga saaray dalka iyadoo xukuumada siilanyo iska idhantirtay heshiishkii lala galay shirkadan wax dib u eegisana aanay baarlamaanku ku samayn
Xiligaa total lagula kacay ayaa waxaa dabada kariixayay masuuliyiin hada lasocda waftiga siilaanyo oo uu hormood ahaa wasiirka madaxtooyada xirsi xaaji cali xasan iyadoo loo aanaynayo in uu daba socday mar shirkada total haamaha u diiday markab uu lahaa ganacsade alxarbi trading company oo siday shidaal xogo xiligaa tibaaxay u jeedada xukuumada siilaanyo u burburisay heshiiskaa caalmiga ahaa ayaa laxusay inay kadanbaysay ku aargoosi awoodeed
Hadaba lama ogo saamayta uu ku yeelankaro safarka madaxwayne siilaanyo ee dalka faransiiska ku tacadigaa ay ku burburiyeen heshiiskii shirkada total ku maamulaysay haamaha sidaalka iyo heshiishkaa labaalmarayba
Waxaana laga war sugu doonaa halka ay kudanbayso arimahaasi oo dhan;;;;