Bangkok, (Wajaale News):- Ugu Yaraan sodon qof ayaa ku dhaawacmay laba qarax oo lala beegsaday, goob fagaare ah oo kooxaha ku kacsan dawlada Thailand dibad bax ka samaynayeen, waxaana guud ahaan caasimadda dalkaas ee Bangkok laga dareemayay xaalad argagax iyo anfariir ka muuqdo.
Dad goob joog ahaa ayaa sheegay in labada qarax ay daqiiqado yar gudahood dhaceen, waxaana dadka ku dhacday xaalad argagax leh, booliska ayaa sheegay baadhitaan ay ka gali doonaan sababta qaraxyadaas dhalisay.
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane