WAJAALE NEWS

MUSUQMAASUQ BAAHSAN OO DULHOGONAYA DAWLADA HOOSE EE GABILEY

GABILEY WAJAALENEWS dawlada hoose ee gabiley ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku mashquulsanaa xisaabxidhkoodii lix bilood laha ahaa kaasi oo ay kamuuqato waxyaalo aan hore loogu kicin amaba cid mamul ihi aanay hore u samayn iyadoo goluhu helay miisaniyad macmala oo ay samaysteen masuuliyiinta ugu sareeya dawlada hoose ee gabiley

arintan iyo qaarkale oo badan ayaa abuuray ,dareeno shikibadan muujiyay saamayna ku yeeshay gabi ahaanba shacabka gabiley oo kuwa cashuurta laga ururiyo waxna aanay kaga soo noqonin,shilimaadka laga sooqaado islaanta tamaandhada suuqa ku iibisa’
Waxayna sobobtay iyada iyo qaarkale oo badan  inay xildhibaanada goluhu kuqanci wayeen xisaabxidhkii ay soo hordhigeen masuulintu, waxayna sobobtay in xildhibanadu saaraan gudi kakooban 7 xubnood kuwaasi oo soo hubiya xaqiiqda dhabta ah ee ay hantidii umadu kubaxday ,misaaniyadaha been abuurka ahna waxa sobobay,inaysameeyaan mayirka iyo xoghayuhu wax yaalahaasi odhan
Golaha deegaanka ayaa waxay badankoodu soo jeediyeen in ay dalbadaan hantidhawr dood iyo falaqaybadan dabadeed ayay islagarteen in horta gudidaan aan korku xusnay inaysaraan si ay waxbadan usoo ogaadaan
Dadwaynaha reer gabiley ayaa maalmihii udanbaysay aad u hadal hayay musuqmaasuqa ragaadiyay dawlada hoose ee gabiley waxyaalaha ayku hanjabayeena waxaa kamida in aanay cashuurdanbe bixinay hadii aan talaabo laga qaadin madaxda sare ee mamulka gabiley oo caadaystay hantiboobka, kabeensheegida,waxqabadkooda
Gabiley oo ah magaalo dhaqale badani soogasho ayaa waxaa ragaadiyay xatooyo maamul waxayna gayaysisay in magaladii dib usocoto iskadaa wax u soo kordhee ay maalinba wax kasii dhacaan cashuurteedi marwalba waxaa lagu laaluushaa shaqsiyaad hargeisa fadhiya oo aan hantida danyarta meelna usoo mari
Musuqmaasuqa dawlada hoose ee gabiley ayaa waxaa lugwayn kule madaxtooyada Somaliland oo ah meesha dhabta ah ee laga xukumo masuuliyiinta gabiley;markastana waxay ku mashquulsan yihiin dan madaxtooyada ah
Isku soo wada duuboo dadwaynaha reer gabiley waxay kawar sugi doonan gudida ay goluhu u saareen soobaadhida musuqmaasuqa ku baahay dawlada hoose ee gabiley
WAJAALENEWS DESK
Exit mobile version