GABILEY(W,N) Bulshada Ku dhaqan Gobolka gabiley ayaa Bilowday Barmaamijka Iskaa wax uqabso kaasi oo lagu Hirgaliyay dhismaha labada fasal ah oo lagu kordhiyay dugsiga Hoose Ee Muj Daa,uud Daahir Ee Deegaanka Indhanka Deerayahanka.
Dhismaha oo Hirgalintiisa ay iska kaashadeen bulshada Deegaanka ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadiisan ayaa waxa Xafladii xadhiga lagaga jaray ka qaybgalay maamulka Dawlada hoose ee Gabiley. Madax dhaqameed iyo bulshada Qaybaheeda kala duwan kuwaasi oo fariimo udiray qurba jooga Gobolka iyo xukuumada.
sidoo kale maamulka dawlada hoose ee gabiley ayaa isla dugsigan ka dhagax dhigay afar fasal oo lagu kordhin doono.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan;