War-degdeg ah: Masuul Xil sare ka hayey Xisbiga UCID oo xilkii iyo Xubinimadii Xisbigaba iska casilay+Wuxuu ku sababeeyay iscasiladiisa!
hargeisa wajaalenews
War Saxaafadeed
Ujeedo :- Iska casilaad Xilkii Xoghayaha Arimaha Gudaha ee aan ka hayey Xisbiga UCID iyo Xubinnimadiiba
(Runtii waa wax lala yaabo,hadalka Gudoomiyaha Xisbiga UCID,ee ah Xisbiyada Macaaridka ah waxay wada hadalo la furayaan Dowlada Soomaaliya. Waxaan qabaa in ay haboonayd in marka hore Xisbi ahaan in laga wada tashada,inta lagu dhawaaqin hadalka)
- Ka dib markaan la tashaday taageerayaashayda. Siyaasadeed.
- Ka dib markaan arkay in ay gebi ahaanba meesha ka baxday wada tashigii—wada shaqayntii iyo istixgelintii Xisbinimo.
- Ka dib markaan arkay in Xeerarkii – qabdhismeedkii Xisbiga UCID ay noqdeen qaar jeebka ugu jira shaqsiyaad gaar ah.
Waxaan go,aansaday in maanta oo taariikhdu tahay 06.01.2014 aan si rasmi ah isaga casilo Xilkii aan ka hayey Xisbiga UCID ee Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada, Xilkii Guddida Fullinta iyo Xubinnimada Xisbiga oo la ii magacaabay 12.07.2012.
Ugu dambeyn waxaan halkan uga mahad celiyaa dhamaan taageerayaasha Xisbiga UCID meelkasta oo ay joogaanba ,wada shaqaynay mudadii aan Xilka hayey.
ALLAA MAHAD LEH
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.
Xisbiga UCID