WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada

GAROOWE WAJAALENEWS Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay xubnaha kamid noqon doona xukumaddiisa cusub. Golaha Wasiirrada Puntland ee galabta lasoo magacaabay oo ka kooban 47 xubnood oo isugu jira wasiirro, wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru-dowleyaal, waxaa ka dhex muuqda qaar badan oo kamid ah siyaasiyiintii isu soo taagey xilka madaxweynaha oo qaarkood ay doorashadii bishan horraanteedii dhacday ay ka qayb galeen.

Liiska magacyada xubnaha xukuumadda cusub ayaa u qornaa sidan:

Wasaaradda Cadaaladda.
Wasiir, Ismaacil Maxamed Warsame.
wasiirku-xigeen, Maxamed Faarax Aadan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose.
Wasiir, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).
Wasiir ku-xigeen, C/laahi Xaashi Warsame.
Wasiiru-dowle, Cali Yuusuf Jaamac.

Wasaaradda Amniga.
Wasiir, Xasan Cismaan Maxamuud Alloore.
Wasiir ku-xigeen, C/casiis Maxamed Aadan.
Wasiiru-dowle, Maxamuud Beeldaaje Faarax.

Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiir, Shire Xaaji Faarax.
Wasiir ku-xigeen, Axmed Yaasiin Saalax.

Wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.
Wasiir, Sahro Siciid Nuur.
Wasiir ku-xigeen, C/raxmaan Cabdi Ismaaciil.

Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Ah.

Wasiir, Cali Axmed Faatax.
Wasiir ku-xigeen, Siciid Faarax Maxamuud.
Wasiiru-dowle, Axmed Ibraahim Cawaale.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.
Wasiir, C/laahi Ducaale Cali.
Wasiir ku-xigeen, C/weli Seed Cilmi.

Wasaaradda Waxbarashada.
Wasiir, Cali Xaaji Warsame.
Wasiir ku-xigeen, Maxamed Cali Faarax.

Wasaaradda Caafimaadka.
Wasiir, Dr. Saadi Eenow.
Wasiir ku-xigeen, Aamina Maxamed C/laahi.
Wasiiru-dowle, C/laahi Jaamac Cali.

Wasaaradda Howlaha Guud
.
Wasiir, C/rashiid Maxamed Xirsi.
Wasiir ku-xigeen, Liibaan Beddel Maxamuud.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoommada.
Wasiir, Xasan Xaaji Siciid Xasan.
Wasiir ku-xigeen, C/laahi Jaamac Roorshe.
Wasiiru-dowle, C/qani Jaamac Maxamuud.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Wasiir, Cabdi Ismaaciil Boos.
Wasiir ku-xigeen, Saciid Xuseen Cali.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
Wasiir, C/nuur Cilmi Maxamuud Biindhe.
Wasiir ku-xigeen, Maxamuud Maxamed Cali
Wasiiru-dowle, C/raxmaan Jaamac Kulmiye.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Wasiir, C/laahi Jaamac Saalax.
Wasiir ku-xigeen, C/rashiid Gaani Cali.
Wasiiru-dowle, Axmed Siciid C/raxmaan.

Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Dhallinyarada.

Wasiir, C/raxmaan Sheekh Axmed Cabdulle.
Wasiir ku-xigeen, C/risaaq Shire Ismaaciil.

Wasaaradda Haweenka.

Wasiir, Aniiso C/qaadir Xaaji Muumin.
Wasiir ku-xigeen, Farxiyo Yuusuf Xirsi.

Wasaaradda Deegaanka, Duur-joogta iyo Dalxiiska.
Wasiir,Guuleed Saalax Barre.
Wasiir ku-xigeen, Faarax Cali Cabdi

Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha.

Wasiir, Maxamed Xasan Soo-cadde.
Wasiir ku-xigeen, C/risaaq Nuur Cumar.

Madaxtooyada.

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobollada, Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan.
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ah, Maxamed Cabbaas Cumar.

Dastuurka Puntland ayaa dhigaya in madaxweyuhu uu kusoo magacaabo golihiisa wasiirrada muddo 21-beri ah oo ka bilaabmeysa maalinta xilka loo dhaariyo

garoowe wajaalenews desk

 

Exit mobile version