|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada
January 28, 2014 - Written by Editor:GAROOWE WAJAALENEWS Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay xubnaha kamid noqon doona xukumaddiisa cusub. Golaha Wasiirrada Puntland ee galabta lasoo magacaabay oo ka kooban 47 xubnood oo isugu jira wasiirro, wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru-dowleyaal, waxaa ka dhex muuqda qaar badan oo kamid ah siyaasiyiintii isu soo taagey xilka madaxweynaha oo qaarkood ay doorashadii bishan horraanteedii dhacday ay ka qayb galeen. Liiska magacyada xubnaha xukuumadda cusub ayaa u qornaa sidan: Wasaaradda Cadaaladda. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose. Wasaaradda Amniga. Wasaaradda Maaliyadda. Wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha. Wasaaradda Waxbarashada. Wasaaradda Caafimaadka. Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoommada. Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda. Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Wasaaradda Deegaanka, Duur-joogta iyo Dalxiiska. Dastuurka Puntland ayaa dhigaya in madaxweyuhu uu kusoo magacaabo golihiisa wasiirrada muddo 21-beri ah oo ka bilaabmeysa maalinta xilka loo dhaariyo garoowe wajaalenews desk
Related posts:Maamulka Gobolka Gabiley Ka Degmada Wajaale Oo Xadhiga ka Jaray Fasalo Cusub Oo Lagu Kordhiyay Dugsi... Waftigii Madax-dhaqameedka Oromada oo Kulan La Qaatay Golaha Guurtida Somaliland, Baaqna Ka Soo Saar... Daawo: Caleemo-Saarka Suldaan Cali Cabdi Xasan-Roodhiile oo ka dhacay Magaalada Diridhaba ee Dalka E... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|