WAJAALE NEWS

Madaxwayne Obama Oo Sheegay In Uu Hoos U Dhigayo Heerka Barnaamijyada Basaasida

Washintong(Wajaalenews) Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ku amray in la xakameeyo howlaha basaasnimada ay sameeyaan hay’addaha Sirdoonka Mareykanka taas oo walaac laga muujiyay. Barack Obama oo jeedinayay khudbad muddo la sugayay ayuu sheegay in uu qaaday talaabooyin aan hore loo barin oo lagu ilaalinayo nolosha caadiga ah ee dadka ku nool gudaha iyo dibadda ee reer Maraykan. Wuxuu intaas ku daray in aanay basaasaynin dadka ama saaxiibada ay xulufada yihiin mar haddii aanay khatar ku ahayn amnigooda. Obama ayaa tilmaamay xogahas ay ahaayeen kuwa looga hortagayay weeraro ka dhaca gudaha iyo dibadda Maraykanka. Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli caalamka uu gilgilay talaabooyin ay qaadeen Hay’addaha Sirdoonka Maraykanka oo ay ku dhageysteen telefoonada qaar kamid ah madaxda caalamka. Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel oo ka mid ahayd madaxdii telefoonkeeda la dhageystay ayaa war kooban ka soo baxay Xafiiskeeda lagu sheegay in ay soo dhoweynayso talaabadan uu ku dhawaaqay Mr Obama. Read more: Obama oo ku dhawaaqay xakameynta barnaamijyada Basaasnimada ee Sirdoonka Maraykanka.

WAJAALENEWS DESK

Exit mobile version