WAJAALE NEWS

Boqolaal suxufiyiin ah ayaa shalay buuxiyey airporka Moskow halkaasi oo uu markiisii ugu horeysay shir jaraa’iid ku qabtay Edward Snowden

Boqolaal suxufiyiin ah ayaa shalay buuxiyey airporka Moskow halkaasi oo uu markiisii ugu horeysay shir jaraa’iid ku qabtay Edward Snowden
Edward Snowden ayaa sheegay in dowlada Maraykanka ay wado olole xoogan oo ay ku dooneyso inay kusoo qabato, isagoo ku eedeeyey qaar kamid ah wadamada Yurub inay arrintaasi gacan ku siinayaan Maraykanka…….

Sarkaalka Baxsadka ah ee fakiyey sirta sirdoonka Maraykanka ayaa shalay shir jaraa’iid markii ugu horeysay ku qabtay gudaha airporka magaalada Moscow halkaasi oo uu ku jiray todobaadyadii lasoo dhaafay.
Boqolaal suxufiyiin ah ayaa shalay buuxiyey airporka Moskow halkaasi oo uu markiisii ugu horeysay shir jaraa’iid ku qabtay Edward Snowden oo ka waramay xaaladiisa iyo codsiyo magangeliyo oo u diray dalal kala gedisan.
Edward Snowden ayaa sheegay in dowlada Maraykanka ay wado olole xoogan oo ay ku dooneyso inay kusoo qabato, isagoo ku eedeeyey qaar kamid ah wadamada Yurub inay arrintaasi gacan ku siinayaan Maraykanka.
Edward snowden ayaa sheegay inuu dalka Ruushka ka codsaday magangeliyo balse weli aanu jawaab helin, halka saraakiisha Ruushka sheegeen in ay ku xidheen ninkaasi sharuud ah inuu joojiyo sirta Maraykanka ee uu wado inuu fakiyo.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo xidhiidh khadka talefoonka ah la yeeshay Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, ayaa ka codsaday in Maraykanka lagu soo wareejiyo sarkaalkaasi Maraykanka sida weyn u baadi goobayaan.
Edward Snowden ayaan sheegin inuu tagi doono wadamada Koonfurta Amerika oo sheegay in badan oo kamid ah inay soo dhaweenayaan, balse wuxuu sheegay inuu u baahan yahay magangeliyo kumeel gaar ah oo uu ka helo Ruushka, maadaama Maraykanka ay ka xayuubiyeen dhalashadiisa iyo Basaboorkii uu watay.
Edward Snowden ayaa sheegay inuusan ka xumeyn inuu fakiyey sirta ku aadan xogta qarsoodiga ah oo ay Sirdoonka Maraykanka ka xadaan shacabka iyo wadamada Caalamka wuxuuna sheegay inuu u adkeysan doono cadaadis walba oo lasoo saaro

Wajaale news desk

Wajaale Office

Exit mobile version