WAJAALE NEWS

Edward Snowden Oo Warqad Codsi U Diray Maraykanka Iyo Germany Oo Ka Dalbaday Edward Snowden In Uu U Soo Gudbiyo.Xoggo Kale Oo Sir Ah Oo Dheeraad Ah

German MP Stroebele Presents Snowden LetterSnowden(Wajaale News):- Edward Snowden,  ayaa warqad codsi ah u diray dawladda Maraykanka taas oo uu kaga dalbanayo in la soo af-jaro ollolaha iyo dacwadda loo haysto ee isaga ka dhanka ah.

Warqadan dalabka ah oo faafiyay  mudane ka tirsan baarlamaanka dalka GermanyWaxa kale oo uu qoraalkiisan ka dalbaday in ay beesha caalamku si wada-jir ah ugu diqido Maraykanka sidii cadaadis caalami ah loogu saari lahaa in uu joojiyo xukunka iyo dacwada isaga ka dhanka ah

ee la xidhiidha xoggaii iyo dhikomtiyadii sirta ah ee uu ka faafiyay basaasnimadda qarsoodiga ah ee uu dunida ku jaajuusay.

Mr Snowden, waxa uu ku xusay qoraalkiisan dalabka ah in uu jeclaan lahaa in bixiyo cadaymo ku filan ka hor inta aanu kongereska Maraykanku aanu gorfaynin qaaabka ay u hawl-gasho hay?adda sirdoonka Maraykanka ee NSA, waxaanu tibaaxay in uu rajaynayo in saraakiisha Germany ay baadhitaan ku samayso eedaynta shakiga keentay ee ay sirdoonka Maraykanku ay ku basaaseen madaxda ugu saraysa hogaanka Germany iyo qaar ka mid ah shacabka iyo madaxdda qaaradda Europe.

Dhinaca kale, dawladda Germany, ayaa shaacisay in ay si aad ah u dannaynayso in ay si toos ah uga hesho uganna maqasho xoggo kale oo sir ah oo dheeraad ah oo ku saabsan Jaajuusnimaddii kala shakhiga weyn ee dublamaasiyadeed dhalisay ee ay Hay?adda Sirdoonka Maraykanka ee NSA ay sannadaha badaan sida qarsoodiga ah ugu dhegaystanaysay Telefoonka gaarka ah ee ay isticmaasho Raysal Wasaaraha wadanka Germany Angela Merkel, ee uu kashifay ninka baxsadka ku jira ee hore uga tirsanaan jiray Sirdoonka Maraykanka ee Edward Snowden.

Qareenka Mr Snowden, ayaa sheegay in ay ku kulmeen magaaladda Moscow khabiiro baadhayaal ah oo takhasus ah oo ka socda dalka Germanay..

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry, ayaa hore u sheegay in xaaladaha qaar ay ku talax tageen sirdoonka dalkiisu xaaladaha qaar, isaga oo xusay in uu kala shaqayn doono Madaxweyne Barack Obama sidii looga hor tegi lahaa hawlaha aan saxda ahayn ee ay ku

Edward Snowden, 30,jir, u baxsaday bishii June dalka Ruushka, kaddib markii fashiliyay xoggo sir ah oo aad u qotodheer oo ku saabsan basaasidda Telefoonnadda iyo Internetka ee ay sida qarsoodiga ah u wadeen sirdoonka Maraykanka, waxaanu ninkani magan-gelyo si ku meel gaadh ah u waydiistay in uu ugu noolado dalka Ruushka illa bisha July ee sanadka 2014-ka..

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Germany Hans-Peter Friedrich, oo jimcihii shalay hadalay ayaa yidhi
Hadii  ay fariintani noqoto in uu Mr Snowden, doonayoin uu si buuxdda noo siiyo xoggo dheeraad ah, si fiican oo kal iyo lab ah ayaanu uga guddoomi doonnaa uganna aqabali doonaa

Haweenaydda Raysal Wasaaraha ka ah dalka Germany ayaa six un uga cadhootay walaac xoog leh oo isa soo tarayana ka muujisay falalkii ay sirdoonka Maraykanku ku basaasayeen muddadda dheer ee sannadaha ah dhegaysiga Telefoonkeeda gaar-ka ah, arrimahaas oo hadheeyay shirkii madaxeedkii ay dabayaaqadii todobaadkii hore ka yeesheen basaasnimaddan Maraykanka ee soo shaac baxday hogaamiyayaasha Midawga Europe.

Dawladda Maraykanka ayaa si weyn u raadinaysa in loo soo gacan geliyo ninkaa siraha kashifay ee hore uga tirsanaan jiray mukhaabaraadka dalkaa si ay u maxkamadayso.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version