Madaxweyne Siilanayo waxa uu Telefishanka Qaranka hoos geeyey wasaaradda Warfaafinta, Hay’ada xidhiidhka WFP waxa uu hoos geeyey wasaaradda Dibu-dajina, guddida xasuuqa Qaranka waxa uu hoos geeyey wasaaradda Caddaaladda, halka hay’adda Qurbajooga uu ka hoos geeyey wasaaradda Arrimaha dibeda.
Madaxweynuhu waxa uu go’aankan ku gaadhay ka dib markii uu tixraacay lifaaqyadii golaha wakiiladdu ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka 2014, kuwaas oo odhanayey waa in hay’adda aan xeerarka lahayn 90 maalmood gudahood lagu hor keenaa golaha wakiiladda haddii kale loo sii dayn maayo Miisaaniyadda.
Marka laga yimaado kuwa uu hoos geeyey wasaaraddaha waxa uu madaxweyne siilaanyo balan qaaday kuwa kale sida Hay’adda ilaalinta tayada oo kale in uu sharcigooda golaha ku horgeyn doono wakhtiga loo qabtay ka hor.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;wajalenews@gmail.com