Hanti-dhawraha Guud oo u waramayay warbaahinta Qaranka waxa uu sheegay inay qabteen Gaadiid lagu xidhay taariko been abuur ah oo loo sameeyay sharci been abuur ah. Waxaanu isagoo arrimahaas ka hadlayay uu yidhi “Muddo dheer ayaanu daba taagnayn (ducoments) been abuura oo la sameeyo oo lagu lunsado canshuurta qaranka, kuwaas oo gaadhsiisnaa illaa xafiisyada dhamaantood inta shaambadahooda la samaysto, sida buugaagta wadista baabuurta (lisamada), buugaagta mulkiyadaha iyo kuwa buugaagta lacag qabashada.”
“Dabadeedna inta loo sameeyo si xirfadaysan oo baabuur loogu xidho
dalka lagu soo galiyo iyagoo bilaa cashuura, runtii muddo ayaan daba socday arrin adag ayay ahayd muddo dheer ayay socotay dad badan ayaanu u xidh-xidhanay oo arrintaa ku eedaysan, haddana waxaanu helnay baabuurtii qaatay nidaamkaa oo arrintoodii hada gacanta aan ku hayno,”ayuu yidhi Hantidhawraha Guud ee qaranku.
Maxamuud Dheere waxa uu intaas ku daray in darawaladii baabuurtan oo ay iyagana qabteen ay xidhan yihiin isla markaana ay u gudbin doonaan dacwadooda maxkamadaha si loo mariyo ciqaabta sharci ee sida uu tilmaamay looga jaro jarriimadda ay galeen.
Hantidhawruhu waxa uu uga digay cidii lagu qabto fal noocan oo kale ah laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
WAJAALENEWS.COM
HARGEISA OFFICE