|
|||||
WAJAALE NEWS
Hanti-dhawraha Guud Oo Sheegay Inay Qabteen Gaadiid Dukumanti Iyo Taariko Been Abuur a
January 2, 2014 - Written by Editor:Hantidhawruhu waxa uu uga digay cidii lagu qabto fal noocan oo kale ah laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan
Hargaysa(WAJAALENEWS)- Hanti-dhawraha guud ee qaranka Md. Maxamuud Aw Cabdi (Maxamuud Dheere) ayaa sheegay in ay qabteen gaadiid si sharci darro ah dalka loo soo galiyay oo loo sameeyay waraaqo iyo taariko been abuur ah oo ah nooca gaadiidka dadweynaha. Hanti-dhawraha Guud oo u waramayay warbaahinta Qaranka waxa uu sheegay inay qabteen Gaadiid lagu xidhay taariko been abuur ah oo loo sameeyay sharci been abuur ah. Waxaanu isagoo arrimahaas ka hadlayay uu yidhi “Muddo dheer ayaanu daba taagnayn (ducoments) been abuura oo la sameeyo oo lagu lunsado canshuurta qaranka, kuwaas oo gaadhsiisnaa illaa xafiisyada dhamaantood inta shaambadahooda la samaysto, sida buugaagta wadista baabuurta (lisamada), buugaagta mulkiyadaha iyo kuwa buugaagta lacag qabashada.” “Dabadeedna inta loo sameeyo si xirfadaysan oo baabuur loogu xidho Maxamuud Dheere waxa uu intaas ku daray in darawaladii baabuurtan oo ay iyagana qabteen ay xidhan yihiin isla markaana ay u gudbin doonaan dacwadooda maxkamadaha si loo mariyo ciqaabta sharci ee sida uu tilmaamay looga jaro jarriimadda ay galeen. Hantidhawruhu waxa uu uga digay cidii lagu qabto fal noocan oo kale ah laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. WAJAALENEWS.COM HARGEISA OFFICE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|