WAJAALE NEWS

GANACSATADA DANYARTA AH EE SUUQA JAMAC GUNTI OO KU BAAQAY MUDAHARAAD KA DHAN AH DAWLADA HOOSE IYO ABAABUL XOOGAN OO KASOCDA CAAWA

GANACSATADA DANYARTA AH EE SUUQA JAMAC GUNTI OO KU BAAQAY MUDAHARAAD KA DHAN AH DAWLADA HOOSE
HARGEISA WAJAALENEWS Dadwaynaha danyarta ah ee ku ganacsada suuqa jaamac gunta ee xaafada xero arw ayaa horantii bishan laga raray suuqii ay ku ganacsan jireen iyadoo loo adeegsaday awood ciidan isla markaana cidna aan u aabo yeelin,waxaana loo raray suuqa maweel oo uu leeyahay nin gancsade ahi
Suuqa maweel ayaa noqday mid qaadi waayay ganacsatadii waxaanay ganacsadii qaar kamidihi dib ugu noqdeen halkii markii hore laga sooraray dhawr jeer markii ay cabsho dawlada hoose u gudbiyeen kadib
Balse dawalada hoose ayaa ka diiday in kusoo labtaan waxay diid madaasi siwayn uga cadhaysiisay dadkii danyarta ahaa oo caawa ku baaqay mudaharaad ay kaga horgayaan dawlada hoose oo lafilyo in marlabaad baabiso dadkan danyarta ah hantidooda, iayagoo horena meel u dajin waayay
Xaafada xero arw ayaa caawa aad looga dareemayaa u diyaar garowga mudaharaad balaadhan oo ay ku baaqeen bulshada ganacsigoodii hore loo babiyay
HADABA arinta oo ay kawaraysanay qaar kamid dadka abaabulaya isku soo baxaa ayaa wuxu  u dhignaa sidan; Jamaal xuseen ismaaciil dawlada hoose kayeeli mayno burburin marwalba taagan waxana naga go.an inaanu waxkasto oo aan ku difaacanayno xaqayaga aanu kukacayno
HOOYO; SAFIYA ayaa sheegtay waxaan dhaar ku maraynaa inaanan kalaabanay mudaharadkaa wixii kadhaca ay kamasuul katahay dawlada hoose
Ayay tidhi
Gudomiyaha ganacsatada danyarta ee suuqa jaamac gunti maxamuud cumar diiriye oo isagu hormood ka ahaa raritaankii suuqa jamac gunti ayaa sheegay inay kala kulmeen maamulkii suuqa maweel nidaamxumo, awood sheegasho,kalajeclaysi dadka ganacsatda ah islamarkaana ay ugu awood sheegteen.inay sida iyagu ay jecel yihiin u kala xushaan,iyagoo doorbidaya ganacsatada awooda uleh inay lacag buuran ku kiraystaan ,kuwaasi oo aan hore uga mid ahayn suuqa.
Arintaasi ayaa waxay sobobtay in dad badani ay wayaan boosas ay ku ganacsadaan kadibna ay kunoqdaan suuqii hore ee jaamac gunti iyagoo kadalbaday ganacsatada dhexe,adoyaasha iyo wax garadka ku dhaqan xaafada xero arw,inay kahawl galaan sidii loogu baadi dooni lahaa sariimadii dawladu u dhistay wakhtigii  uu caasimda hargeisa maayirka ka ahaa,maxamed xaashi cilmi, oo haatan ah saldhiga booliska ee degmada ibraahim koodbuur balse aanay suurtogal ahayn in looga sooro booliska maadama aanay jirin rug boolis iyo in loo sameeyo sariimad cusub
Iyadoo odoyaasha iyo ganacsataduba dadaal ay sameeyeen ,aanay u suurto galin in dawlada hoose ayka helaan sidii wax looga qaban lahaa baahida dadkan danyarta ah
Waxayna go,aan kugaadheen odoyaashii iyo gancsatdiiba in isla suuqa jaamac gunti looga dhiso sariimad ay maal galinayaan gancsatdani balse ay dawlada hoose kabiyo diiday dhismaha sariibad labaad oo laga dhiso xero arw waana sobobtay in dhamaanba ganacsatadii ay dib ugu soo noqdaan suuqii hore ee jaamac gunti oo ilaa caawa lagadareemayo dhismayaal kasocdan dawlada hosena ay kaga hotagi doonan mudaharaad, wixii dhacana ay kamasuul tahay dawlada hoose

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 
Exit mobile version