WAJAALE NEWS

Fikirku Waa Hantidaada, Qalinkii Fardawsa Maax Xasan (Nimco)

Qawlka dadku waxyi ma aha waa wax garaado kala hooseeya kalana sareeya ka soo miirma……..

Waxaan maqaallo hore kaga soo hadlay akhriska iyo qoraalka, haatana waxa aan qooraansanayaa mawjadda labadaba masuulka ka ah. Waxaan isla garanay in wax akhrisku faa’iidooyin badan leeyahay, waxa kale oo aynu isla fahamney in aan akhris jireyn haddii aan wax la qorin. Haddaba in wax la qoraana waxaa maftaax u ah maskax iyo fikirka shaqsi. Fikirkeenna haddaynaan qorina akhris iman maayo. Maskaxda shaqsi tuujiyo ayaa innoo soo saarta midho aynu inteena kale ka haqabbeelno. Maskaxdaa ku dhiiratay, raad raacdey, iskuna shuqlisay in way wax dihato oo dadka horkeentaa waa maskax dadaashay xaqna u leh in ay soo bandhigto wixii ka rucleeya dhexdeeda. Khasabse ma aha in ay cid walba raali galiyo fikirka ka soo miirmay hal shaqsi.

Xuquuqda Shaqsiga u gaarka ah.

Waxaa xaqiiq ah in jidhkaaga aad adigu iska leedahay xorna aad u tahay wixii aad ku fasho/sameysaba. Sidoo kale hantidaadu waa wax aad adigu shaqaysatay ama dhaxashay xaqiiqna aad adigu iska leedahay. Haddii lagaa boobo ama lagugu qabsadona aanad cidnna uga hadheyn. Waana waxyaabaha lagu dagaalamo marka shaqsi lagu soo doonto naftiisa iyo maalkiisuba. Sidoo kale fikirku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha lahaanshahooda aan lagula wadaagin. Sidaa darteed qofku xor ayuu u yahay wuxuu ku fikiro in uu qoro oo baahiyo. Haddii laga hor joogsado qofka wuxuu maankiisu doono inuu la wadaago dadkana waxaa lumaysa xorriyad ka mid ah xorriyada shaqsiga.

Fikir kastaa wuxuu wataa wanaagiisa ama xumaantiisa.

Qasab maaha in fikirka dadka oo dhami hal dariiq maro. Qawlka dadku waxyi ma aha waa wax garaado kala hooseeya kalana sareeya ka soo miirma. Waxaa dhici karta in fikir kakan oo qalafsan la arko, waxaana jirta in fikrado badan oo wanaagsan ummaddu wadaagto. Dadku wuu kala fikir duwanyahay waxaana sabab u ah.

1. In Illaah (swt) uu inna abuuray iyadoo ay kala duwan yihiin dhismaha jidhkeena, midabkeenna, saansaanka aragtida wajigeenna, dabeecadeenna iyo FIKIRKEENNUBA.

2. Aqoonta qofku inta ay leeg tahay ayaa iyana door weyn ka ciyaarta fikirka shaqsi.

3. Habkii ama dhaqankii uu kusoo koray kolkuu yaraa qofku, ayaa iyana gundhig u ah sida uu wax u arko ama u gorfeeyo.

4. Waayaha soo maray ama waxyaabaha uu usoo joogay qofku iyo inta cimrigiisu jiray ayaa iyaguna raadeyn weyn ku leh sida qof u fikiro.
Waxaana xaqiiqo ah in aan dadku hal meel ku wada aroori karin ee kala duwanaansho badani jiraayo. Waxayna mudan tahay sax iyo qaladba in qofka uun fikirkaasi gaar u ahaado.

Dadka haddii la aamusiiyo maxaa dhacaya?
Sidaan kor kusoo xusay qofku isagaa iska leh fikirkiisa, in la aamusiiyaana dow ma aha, sida naf iyo maal uu u haysto una ilaashado ayuu fikirkiisuna ula simanyahay. Sidaa darteed xorriyada qawlku waa xorriyad ka mid ah kuwa loo dagaalamo. Haddaba haddii ay diiqadi timaado waxaa abuurmaaya kacdoon, kaas oon ku ekaan qofka balse saameyn ku yeesha bulshada ku wareegsan qudheeda. Haddii aynu gaadhno ilbaxnimo ka durugsan in cid la aamusiiyo, loona daayo dadka in ay xor u ahaadaan waxay qoraan ama baahiyaan. Waxaa laga yaabaa in aan xiin iyo xiisadi abuurmin. Fikirka shaqsi ee qallooca ummaddu kama indho la’aato kii toosana way ogtahay, labadubana shaqsigay ku kooban yihiin.

Maxaa laga baqayaa?
Waxaa hubaal ah in haddaan qalad jirin baqe jirayn. Haddii hadal qof ama koox wax yeeli karo dawlad ama cid waxaa hubaal ah in qalad jiro! Haddiise aan qalad jirin dhawaqaas wuxuun buu noqonlahaa “Habar baa iska haw hawlee heelada inoo tuma’’ Se haddii uu qalad jiro qudheeda ma aha in kii farta ku fiiqa la aamusiiyo. Waxaa ka habboonaan lahayd in qaladka la tilmaamey la saxo lagana faa’iidaysto ciddii ku xasuusisa khaladkaaga, eenay noqon xaalku “Sakaaro xaar muuqdey aas aastaa’’ Haddii ay jirto cid Cirsankayeedh ah oo wuxuun buunbuunisaa aadamuhu wuu wada arkaa, in loo aamusaana ka haboon in la cabudhiyo maxaa yeelay wuxuun buu noqon doonaa Cumar beenaalihii maalinwalba lahaa “waar hayaay waa waraabe’’ Haddiise erayga ka soo baxaba afka laga juqaalo, ogobey buquuqdiisa cid uun baa maqli oo odhan horta timir lafbaa ku jirtee, maxaa loo aamusiinayaa shaqsigan/kooxdan?
Fikirka aynu ka qaylinaa ma yahay kii xaqa u lahaa in la xannibo?

Xorriyada hadalka ama qoraalku xad bay leedahay, waxaana jira waxyaabo ay dawladuhu xaq u leedahay in ay joojiso sida:

– In diinteenna iyo caqiidadeenna wax ku xad gudbaya la qoro lana faafiyo.
– In ay qof yar oon qaan gaadhin ku saabsan yahay waxa la qoray kaas oo bixin karin oggolaasho. (in kastoon kani kaba jirin dhulkeena)

– In sirta dawlada ama wax nabadgalyada dalka ku saabsan la faafiyo.

– In xeerar ganacsiga u yaala la gudbiyo.

Haddiise uu yahay in la canaanto ama la dhaleeceeyo cid ka tirsan dawlada oo lagu tuhmo in ay si dadban wax u wado ama dayacaadi jirto, runtii wax laga baroorto ama lagu cago jugleeyo ma aha. Adduunyadu dadaal iyo dagaal bay usoo martay in qawlka xor loo ahaado. 399BC sida taariikhda lagu hayo ayuu Socrates ninka la odhan jiray oo Giriig ahaa maxkamad horteeda ka cadeeyey in hadii la siidaayo balse lagu xidho shuruud in uu aamuso ah, in aanu marnaba yeeli doonin in uu xorriyadaa lumiyo.
Ingiriis sidoo kale wakhtigii 1215 oo uu xukumaayey King John ayey ku khasbeen Laan-dheertii (Nobles) wakhtigaasi in uu fuliyo xeerkii Magna Carta, kaas oo fulinaayey xuquuqda dadka shicibka ah si aan boqortooyadu ama cida xukunka haysaa dadka u muquunin iyadaa xoriyada qawlkuna ka mid aheyd xuquuqda shicibka. Kaas oo kolkii dambe dunida inteeda kalena kaga dayatay.

1789 Faransiis wakhtigii isbaddalka kacaanku ka dhacay waxa lagu daray xeerdajintiisii in qofku qawlkiisa xor u ahaado.
1791 Maraykan sidoo kale qaanuunkiisa waxay ku duugeen in uu xuquuqda shicibka la dhawro khaasatan diintiisa, qawlkiisa, saxaafadda iyo in ururo la samaysan karo( right to assemble). Waddanada xeerarkan dajistay kuna dhaqmaa waa kuwa aan maanta ka baryeyno in ay innoo oggolaadaan inaan ku biirno isbahaysigooda Qaramada Midoobay!

Hadaynu usoo laabano sharciga sharciyada ugu sareeya waa ka Islaamkee, ayaa innaga tusaale innoo ah, sharcigaas? Nabi Muxamed Salawaatulaahi caleyhi wasalam, waligii shaqsiyadiisa uma aar goosan ilaa in uu Islamka u hiiliyo mooyanee. Miyey dadka oo dhammi wada jeclaayeen oo amaanayeen? Jawaabtu waa maya, qaarbaa caayayey, qaarbaa shiidi jiray, qaarbaa wasakh guriga u soo hor dhigi jiray. Intaba hadal wanaagsan iyo nasdeexuu kula dhaqmi jiray. waxayna taasi dadkii xumaymaaney gayeysiisey in intoodii badneyd ay iyagii dib iskula yaabeen qof ay xumeynayaan oo wanaag ugu baddalaaya xumaantii, ilaa ay ka rumeeyeen xaqa. Haddaba miyuu joogaa dunida nin ka wanaagsan Rasuulkii Illaahay (scw) oo ahaa ka aadamaha ugu sharafta badan? Dee waa maya, kolkaa bal dadka iyo dawladuba ha ka fikiraan sidii qofka ku xumeeya loo wanaajin lahaa. Taasi isbaddal ka hawl yar in la xidho ama la cadaadiyo ayey keeni doontaa Insha Allah.

Fardawsa Maax Xasan (Nimco)
Fardawsan@yahoo.ca


Exit mobile version