Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee wada-hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxa ay tahay in hababkani ay yihiin qaar lagu soo bartay waayo-aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.”
Maqaalka: Mugdiga Iftiin baa ka danbeeya,
(Light at the end of the tunnel)
Ibraahin Meygaag Samatar, 1993kii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Hargeysa: 26/5/2015ka
Qormada: 4aad
Waa bilowgii Juun 1989kii. Goor barqo ah ayaanu ka dhaqaaqnay oo cidhib barako leh kaga dhufannay Balli-gubadle. Waxaanu ahayn haddii aanan qaldanayn ama xusuustayduba I dagayn: Baabuur Land cruiser ah, Xaajiyad 4w ah oo laba shidhley ahayd, baabuur weyn oo xamuul ah oo UD ahaa, baabuur N3 ah oo FIAT ahaa, Booyad shidaal noo sidday iyo baabuur Toyota ‘pick-up’ ahaa. Sallexlay ayaanu sii marnay barqo dheer oo dhulka ceeryaamo qarisay, dadkuna lahaayeen dayax-madoobaad ayaa soo socda.
Haro-sheekh ayaanu ka sii qadeynay, ka dib meel aan is-leeyahay Dhubbato kama ay fogeyn ayaanu laamida casar ka tallownay. Land cruiser-kii ayaa laamida badhtankeedii nagaga banjaray. Bartii ayaa taayirkii lagaga beddelay annaga oo yaabban oo Mujaahidiintii ku kari weynay, bal in ay laamida ka yar dejiyaan si aanu cadowgu noogu soo gaadhin. Hal-hays waxay u lahaayeen: “faqashtu maxay sheegaysaa.”
Illinta Dhexe ayaanu goor barqo ah ku soo hagaagnay. Dawga Hanjeera ayaanu ka daaddegnay, wadno-gaw ayaanu marnay annaga oo kaga baxnay dawga markii aanu ku dhaadhacnay Booddaale. Markii aanu ka dhammaanaynay dawga ee aanu Booddaale wax yar u jirnay, waxa dariiqii ku soo dhacay dhagax weynaa oo ay nagu qaadatay in aanu ku burburinno saacado badan annaga oo u qaadannay dubbayaal iyo shiineyaal. Habeenkaa nin Mujaahid ahaa oo Sheekh Isaxaaq la odhan jiray ayaa halkaa nagaga lumay, maa daama aan la isa sugin ee intii dhagaxaa la burburinayay Mujaahidiin badani iska sii lugaysay oo tiradii joogtay iyo intii tagtay naga gedmatay. Waxaan u malaynayaa mar dambe oo aanu Gargaara joognay in la ogaaday maqnaanshihiisa, dibna Mujaahidkaa looma arag.
Habeennimadii waxaanu ku hoyannay Bildhaaley. Waxaan xusuustay carruurnimadaydii oo walaashay Basra Yuusuf Ducaale nooga sheekayn jirtay Biji iyo Bildhaalay. Bildhaaley markaa aanu joognay waxa lagu hayay maxaabiis badnayd oo dagaal oo lagu qabsaday dagaallo ka dhacay Lughaya iyo ag-agaarkeeda. Ibraahin Meygaag Samatar halkaa ayuu kula hadlay maxaabiistii oo uu ugu sheegay in aanay iyaga iyo SNM waxba ka dhexaynin, bal se waxa lala daallamayaa yahay nidaamka Siyaad Barre ee dal iyo dadba aafeeyay. Ibraahin Meygaag amarro cad cad ayuu ka bixiyay daryeelka maxaabiista iyo ilaalinta xuquuqdooda, ugu dambeynna waxa uu faray ciidammadii gacanta ku hayay in loo gudbiyo xaruntii SNM ee Balli-gubadle si ay reerahoodii ugu noqdaan. Sidiina waa loo fuliyay amarkii oo inta Diri-dhabe laga soo wareejiyay ayaa maxaabiistii oo dhan Balli-gubadle la keenay, ka dibna sahay la sii siiyay si ay reerahoodii u tagaan. Bil ammaara waxa ay maxaabiistaa dagaalku ka degganaayeen Balli-gubadle meel bari kaga beegnaynd Taliskii Guud ee ciidammadii SNM oo aan sidaa uga sii fogayn.
Badhtamihii bishii June ayaanu joognay tuulada Ceel-gaal oo duhur cad ciidammadii SNM ka furteen faqashtii. Xaggaa iyo Seylac ayaanu uga gudubnay, galabnimadiina Lowyacaddo ayaanu ku hoyannay annaga oo ku sii meydhannay ceelka Bariisle oo Tokhoshi iyo Lowyacaddo u dhexeeya. Waxaan xusuustaa wefdigaa Ibraahin Meygaag hoggaaminayay annaga oo ahayn in aanu meel badhtamaha Geeriyaad ku taal ku booqannay Maqaamka Sheekh Xuseen oo halkaa xoolo naloogu qalay maalintii oo dhanna aanu ku dikriyaynay.
Carraabe ayaanu ku gallay Lowyacaddo. Saraakiishii Jabuuti ayaa maalintii dambe maqashay joogitaankayaga Lowyacaddo. Qayilaad ayay nagu marti-qaadeen oo xeradii Jaan-daaranka ayaa nala geeyay. Ilaa saqdii dhexe ayaanu wada joognay iyaga oo ka yaabban awoodda SNM-ta iyo sida ay dalka uga taliso. In kasta oo aanan daalacan kana hubin xusuus-qorkaygii, haddana xilligaas waxaan ku hilaadinayaa badhtamihii bishii Juun, 1989kii.
Lowyacaddo dhinacii Soomaalida ayaanu ku soo noqonnay habeen badhkii. War dhiillo leh ayaa naloo sheegay oo ahaa in ciidammadii Siyaad Barre dib u qabsadeen Ceel-gaal kuna soo jeedaan Lowyacaddo. Ciidan aan badnayn oo nala socday xaggaa iyo Seylac ayay cidhib barako leh ugu dhufteen si ay u haybsadaan ciidammadoodii xaggaa iyo Lughaya ku sugnaa si ay weeerar rogaal-celin ah u qaadaan. Saraakiishii Jabuuti ayaa galabnimadii noo timid, waxaanay intayadii mas’uuliinta ahayd noo kaxeeyeen xagga Jabuuti oo aanu laba habeen u hoyannay ka dibna, waxaanu u tallownay Itoobiya annaga oo laba maalmood ku sugnayn Dawanle.
Wax aan badnayn markii uu Diri-dhabe joogay ayuu Ibraahin Meygaag Samatar ku soo laabtay xaruntii SNM ee Balli-gubadle halkaas oo beryahaa looga diyaar-gharoobayay Shirweynihii 6aad ee SNM oo halkaa ku qabsoomay 31kii Maarj 90kii, socdayna ilaa 28kii Abriil 1990kii. Run ahaantii Shirweynahaasi wuxu socday 14 maalmood, bal se inta kale waxa lagu hawlanaa xulashadii xubnihii Golaha Dhexe oo markii ugu horreysay taariikhda ururka SNM gaadhay 99 xubnood maa daama dalkii aad looga soo baxay wixii 1988kii ka dambeeyay.
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)