Qormo waydiimeeddan, waxa aan ka soo dheegay buuggaygii ( GUURKA IYO NOLOSHA) qofkasta wuxuu la kaashanayaa garaadkiisa, jawaabaha waydiimahanna waa inay ka yimaaddaan garaadka qof guurdoonka ah. Jawaabkasta oo aad heshaa waxa ay muujinaysaa sawir, kaa anfacaya sida uu u ekaannayo qofka aad rabto inaad mustaqbalka la wadaagto. Haddii Ciidanku ammaanku danbiilaha ay waydiimo kaga soo saaraan, nooca danbiga u qirtay, miyaan qofka aad nolosha la wadaagayso aanad waydiimo kaga ogaan Karin wax badan oo noloshiisa ku saabsan ? Natiijada waydiimahan kaaga soo baxdaa, waxa ay noqonaysaa laba midkood, waa ta hore’e in qofka aad rabto inaad noloshada la wadaagto doorashada uu adiga ku dooranayaa ay tahay mid ku salleh baahiyo iyo dano isaga/iyada u gaar ah iyo in rabitaankiisu ama rabitaankeedu uu ku sallaysan yahay “dhismaha mustaqbal reer oo wanaagsan.” Xikmad Soomaaliyeed ayaa odhan jirtay, (addoon sahan ku guurraynin, geeddiga ha heensayn)
Soomaalidii hore aan laba u kala qaadno. Xoolo raacato iyo beerroley. xoolo raacatadu Marka ay damcaan in ay guuraan, tallaabada kowaad ee ay qaadi jireen waxa ay ahayd in ay sahan dirtaan. Ninka sahanka loo dirayo shuruudo ayuu lahaa, waxaa ka mid ahaa; 1. Inuu yahay nin war-galeen ah ama looga qaateen ah, isla markaa run sheeg ah. 2. Inuu yahay nin deegaanka waxka yaqaan, garan kara nooca roob ka da’ deegaankan, Noocyada dabaylah, dhinaca ay ka immanayso, dhulkan inuu bahallo leeyahay. 3. Inuu yaqaan carrada, tusaale in ay nabaad guurtay, in ay dulin leedahay Iyo shuruudo kale oo badan. Sidoo kale Soomaalida beeraleyda ahi iyana waxa ay ka sahamin jireen cirka iyo roobbabka da’a, waxaanay yaqaanneen roob kasta iyo nooca dalag uu soo saari karo. Waxaas oo dhan waxaa lagu sargoyn jiray aqoon iyo sahan. Hal abuur Cabdiqayskii waa kii lahaa;
Garaadku wuxuu ka taliyaa,
Godkaa dhiman barashadiisa,
Hayaankuna waa gadhqaadka,
Isagaa kuu sii gorfeeya,
Halkuu geedigu maraayo.
Maxaa diidayay in xulushada lammaanaha aan Nolosha la wadaaggayno aan u sahaminno. Su’aalahan oo sahankaa aan ku salleeyay, haddaad si deggan u akhrido, waan hubaa in waxbadan oo aad ka aaminsaanayd dhinaca guurka iska kaa beddelayaan.
Qormadanni waxa ay qayb ka tahay cilmi baadhis laba sanno qaadatay oo aan 37 magaalo oo saddex dal iskugu jira ku soo sameeyay. Su’aal kasta waxa ay leedahay jahooyin kala duwan oo laga eegi karo jawaabteeda. jawaabkastaana waa callaamad sharraxaysa qofka aad doonayso inaad nolosha la wadaagto dhaqankiisa qayb ka mid ah. Go’aan qaadashadana adiga ayaa lagaaga fadhiyaa. Xataa haddii aad lammaanahaaga dhalliil ku galayso, ugu samrayso, waxa ay dhalliishaasi kuu soo baxaysaa goor hore oo aad bannaanka kala joogtaan. Murti maahmaaheeddii Soomaaliyeed waxa ay odhan jirtay “intaad fogtahay ayaa la faytaa.”
Maxaad ka aaminsantahay guurka? Guurku waa wada lahaansho lagu wada yeelannayo caafimaadka,wakhtiga, maalka iyo nolosha oo dhan. Guuurku waa xidhiidh wada noolaansho oo dhex mara lab iyo dheddig, xidhiidh kaas oo lagu xalaaleeyo diin.
- Maxaad u guursanaysaa? Su’aashan haddii aan sii balballaadhinno waxyaalo badan oo loo guursado ayaa jira oo mid kastaaba saamaynteeda gaarka ah wadato, waxaana ka mid ah:
b) Ubad
t) Jacayl
j) Raaxo
x) Qurux.
kh) Lacag
d) Dhoof. Iyo qaar kale oo badan. Dhammaan qodobbadan aan taxnay mid kastaba miisaankiisa iyo macnahiisa gaar ahaaneed ayuu leeyahay, waxaana dhammaantood aad ka dheehan kartaa baahida uu Lammaanaha mid ka mid ahi markaa qabo iyo nolosha hadba uu ku jiro lammaanaha aad rabto inaad nolosha la wadaagto ee aad su’aalahan waydiinayso.
3) Maxaad aniga ugu dooratay ee aad ii guursanaysaa?
b) Dabeecad
t) Dhaqan
j) Qurux
x) Dhallinyarnimo
kh) Reer wanaagsan oo aan ka dhashay d) Diin r) Shaqo wanaagsan ama lacag. Hogo-tuska 1aad: Haddii qofka aad su’aashan 3aadJ waydiinaysaa kuu jawaabo waxaan kugu doortay, waad qurux badan tahay. Ogow doorashadaasi mid ku anfacaysa maaha, shan sanno ka dib maalinta arooskaaga, waxaa sunnaha nolosha ka mid ah in ay wax iska beddellaan, bilicdaadii ama quruxdaadii, haddii qofka aad rabto inuu lammaane nololleed kuu noqdaa uu arko quruxdaadii oo is beddashay, waxa in badan dhacday in kalgacalkii uu kuu hayay hoos u dhaco. Waana halka Soomaalidu kaga maahmaahdo, MIN WEYNTAADANA LA LAMA QAAWIYO, MIN YARADAADANA LA ISKUMA HOR QAAWIYO.
Illeen qofkani waa qurux raadiye’e waxaana suuro gal ah in uu isla markaa doonto gabadh sidii aad wakhtigaa u qurux badnayd u qurux badan. Inkastoo dhinaca shareecada aanay gef ahayn inuu nin ku gabadh kale guursado, haddana waxaan hadalka sidan ugu dhigay in qofku ifafaalaha iyo saansaanta jawaabaha qofka oo ku sallaysan dhaqan nololleedkiisa fikir fiican ka sii haysto. Hogo tuska 2aad: Haddii qofka aad su’aasha 3aad R waydiisay kuugu jawaabo, waxaan kugu doortay meel wanaagsan ayaad ka shaqaysaa, dhaqaale fiicanna waa ku soo gala, sidaa darteed ayaad u noqotay qof aan nolosha wadaagi karno oo igu fillaan kara. Hadda ogow intan soo qoray toos kuu odhan maayo laakiin dhaqankeeda ayuu yeelannayaa. Waxaad is waydiisaa haddii shaqadaa dhaqaalaha wanaagsanni kaa soo gali jiray aad waydo, dhaqaalahaagiina is dhimo. Ogow in aanay jirayn niyad samaantii iyo kalgacalkii bilowgii aad durduuratay, waayo wuxuu ku sallahaa “adduunyo,” adduunkuna waa wax hoos u dhaca isla markaan kordha. Mana mudna in lagu sarjaro ama laga dhigo dhidibbada ugu waaweyn ee xulashada lammaanaha.
4) Guurka ma u aragtaa heshiis? Aragtida qofku guurka ka haystaa waxa ay jaangoysaa hab dhaqanka reerka. Tusaale nin dhallinyar ahaa ayaa guursaday, gurigoodii dhaqan ayuu kaga soo wareegay, laga baa in aan cidna waydiin jirin wakhtiga uu guriga yimaaddo iyo cuntada in uu cuno iyo in kale. Markuu reer yeesho ee uu guriga ka soo daaho ee gabadhiisu ku tidhaa, “Xaggeed ku maqnayd saacaddan ?,” wiilku wuxuu markaaba xasuusanayaa noloshii yaraantiisa ee hooyadii ay maamuli jirtay wahtigiisa, uu ka cadhoonayaa, wuxuu isku arkaa nin weyn oo lagu xad gudbay. Hadda hadduu ogaan lahaa in guurku heshiis yahay, wuxuu canaantaa u arki lahaa; WAAN KU JECELAHAY, XABIIBI EE XAGEED IGAGA MAQNAYD? … La soco
5) Heshiiska sideed u ilaalisaa?
6) Sideen u illaalin karnaa xidhiidhkeena guur innagoo sharfayna ehelkeenna, waalidkeenna iyo asaxaabteenna intaba? Aa’laa waxaan aragnaa in qoyska iyo asaxaabta labada dhinac ba ay saameyn weyn ku leeyihiin jiritaanka reerka. Burburada qoysaska ee ugu badanna waxa ay ku leeyihiin qayb laxaadleh. Sidaa darteed ayay mihiim u noqotay in su’aashan ka hor guur la falanqeeyo, lana dajiyo siyaasaddii lagu reerku ku dhaqnaan lahaa iyaguna waa ehelka iyo asaxaabta ah ee mudnaantooda ku heli lahaayeen.
7) Goormaad hinaastaa? Waxaa jira qof hinaasahu ku badan yahay oo had iyo goor hinaasaha, waxaad mooddaa in kalsoonidu ku yartahay, sidaadarteed ayay u mudantahay inaad goor hore ogaato wakhti uu lammaanahaagu hinaaso. Tusaale ma idinkoo wada jooga ficilka uu kaa arko ayuu hinaasaha ka keena, mise idinka oo kala maqan wixii dhambaal lagaa gaadhsiiyo ayuu go’aanka hinaasaheeda/hinaasahiisu ku xidhan yahay?
8) Markaad hinaasto ficilka ugu xun ee aad sammaysaa waa maxay?
b. Cadho
t. Furiin
j. La guursasho
x. dil khaarajis ah. Waydiinta su’aashan 7aad iyo baadhitaan aad ku samayso goorta lammaanaha aad rabto inaad nolosha la wadaagtaa hinaaso, mihiimada ay leedahay qalin lagu ma koobi karo. Laba qof oo nolosha wadaagaya in ay iska hinaasaan way dhacaysaa, waanay soo noqnoqan kartaa. Hinaasahaasi ha noqdo mid xaqiiq ku salleh ma mid tuhun ku dhisan. Waxaa loo baahan si taxadir ku jiro inaad u baadho. Isla su’aasha 7aad b.t.j.x. intuba ragga way ka suurtoobaan, dumarkana waxaa ka suuro gala iyana ; kh. In ay raggooda biyo kulul ku shubaan, d. in ay raggooda dab qabadsiiyaan, r. in ay carruurta u daadiyaan oo furriin ka dalbadaan,
Intaas oo arrimoodba waa wax ka suurtooba oo ay sameeyaan raggu, saansaantana waxaa la sii ogaan karaa ka hor guur.
La soco …….