WAJAALE NEWS

Fanaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise oo si weyn usoo Hambalyeysay Kooxda Xidigaha Geeska ee ka Dhisan Somaliland

anigu waxaan halkan aad uga salaamayaa uguna hambalyeynayaa fanaaniinta oo dhan ,gaar ahaana fanaaniinta da?da yar yar ee ka dhisan magaalada Hargeysa ,gaar ahaan Mursal iyo xaaskiisa Khadra

 

Hargeysa (Wajaale-News) Fanaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise ayaa noqotay fanaanadii labaad ee si weyn usoo dhoweysa fanaaniinta dhalinta yar ee xidigaha geeska oo ah kuwo ka dhisan caasimada Somaliland ee Hargeysa, fanaanada oo xalay waraysi siisay tv-ga Kalsan ayaa sheegtay inay aad ula dhacday habka ay isugu xidhan yihiin fanaaniintaasi.

Waxaana sheegtay fanaanadaasi inay aad u soo dhowaynayso in la helo cid bedesha madaama oo ay waaweynaadeen fanaanintii hore,iyada oo ka hadlaysana waxay tidhi ?anigu waxaan halkan aad uga salaamayaa uguna hambalyeynayaa fanaaniinta oo dhan ,gaar ahaana fanaaniinta da?da yar yar ee ka dhisan magaalada Hargeysa ,gaar ahaan Mursal iyo

xaaskiisa Khadra ,waxa kale oo aan aad halkan uga salaamayaa inanka music-ga tuma ee Axmed Weli Furinle iyo xaaskiisa oo kaalin weyn kaga jira kooxdan da?da yar yar?.

Waxa kale oo ay intaasi sii raacisay fanaanadaasi Maamo Maryan Mursal Ciise ?waxa kale oo aan aad uga helay wiilka lagu magcaabo Maxamed BK oo ah wiil marka uu heesta qaadaayo muujiya shucuurtiisa, iyada oo ay heesta iyo shucuurtu tahay mid aad isugu xidhan ,waana mid loo baahan yahay in la muujiyo marka heestii la qaadaayo?.

Kooxdan oo ah dhalinyaro ayaa ah mid ka dhisan magaalada Hargeysa,iyaga oo ah koox aad u dhisan kana kooban Music-shan ,Mulaxan ,Abwaan iyo heesaaba ayaa noqonaaya kooxdii ugu horeysay ee isku xidhan lagana sameeyo magaalada Hargeysa oo ay iskood isu abaabuleen ,marka laga yimaado kooxaha qaranka ee Godir iyo Gashaan oo qaar badan oo kamid ahi ay hadda ku jiraan kooxdan .

Waxaanay noqdeen kooxda ugu hadal haynta badan heesohoodana loogu dhegaysiga badan yahay sannadihii ugu dambeeyey Somaliland iyo gebi ahaanba gobolkan, iyaga oo safaro ugu kici timay wadamo kala duwn sida Jibouti iyo Imaaraadka oo ay kazoo dhigeen xaflado kala duwan.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version