WAJAALE NEWS

Dawlada Britain Oo Ka Hadashay Muhiimadda Ay Leedahay in Xal Kama Dambays Ahi Ka Soo Baxo Wada-Hadalada U Dhexeeya Somaliland Iyo Somalia.

WAJAALENEWS Xukuumadda yadu waxay u aragtaa inay Somaliland iyo Somalia ay u taalo inay iyaga laftoodu go’aan sadaan xidhiidhka mustaqbalkoodu nooca uu noqonayo, isla markaana dalalka jaarka la ah ee gobolkaasi ku yaallaa ay tahay inay…..

Dawladda Britain ayaa sheegtay inay dawladda Somalia kala hadashay siday muhiim u tahay in xal kama-dambays ah, isla markaana labada dhinac ka wada-raali yihiin uu ka soo baxo wada-hadalada u dhexeeya dawladaha Somaliland iyo Somalia.
Sidaas waxa sheegtay Wasiir Sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK, isla markaana ah guddoomiyaha Xisbiga Conservative, Sayeeda Hussain Warsi (Baroness Warsi), iyadoo ka jawaabaysay su’aal qoraal ah oo uu Lord Chidgey oo ah Xildhibaan ay wasiirka ka wada-tirsan yihiin Aqalka Odayaasha UK, kana soo jeeda xisbiga Liberal Democrat, uu weydiiyay xukuumadda Britain, inay jawaab ka siiso xukuumaddu deraasaynta ay ku sameeyeen madax banaanida ay Somaliland kala noqotay Somalia.
Baroness Warsi, oo iyadu su’aashaas qoraal kaga jawaabtay ayaa sheegay in dhowaan Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xafiiska Barwaaqa Sooranka Britain, Mark Simmonds uu magaalada Addis Ababa oo uu kaga qayb-gelayo shirka Madaxda Midowga Afrika, uu kula kulmay wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaanay xustay Baroness Warsi inay labada wasiir kulankooda kaga wada hadleen natiijada laga filayo wada-hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.
Hase yeeshee, Baroness Warsi, waxay ugu horeyn iyadoo ka hadlaysa mawqifka dawladda Britain ee ku waajahan madax banaanida Somaliland tidhi: “Xukuumadda British-ka ah waxay u aragtaa inay Somaliland iyo Somalia ay u taalo inay iyaga laftoodu go’aansadaan xidhiidhka mustaqbalkoodu nooca uu noqonayo, isla markaana dalalka jaarka la ah ee gobolkaasi ku yaalla ay tahay inay hormood ka noqdaan aqoonsiga habkastoo cusub.”

Waxayse iyadoo ka hadlaysa wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, Ms. Baroness Warsi tidhi: “Tan iyo shirkii London lagu qabtay bishii February 2012, ‘kaas oo lagu aqoonsaday baahida loo qabo inay Beesha Caalamku gacan siiyaan wada-hadal kasta oo dhexmara Somaliland iyo Dawladda Ku-meel-gaadhka Federaalka (TFG) ama dawlada bedesha, si ay ugu heshiiyaan abuuritaanka wada-hadal ay ku gaadhaan xidhiidhkooda mustaqbalka ay yeelanayaa’, Somaliland iyo TFG waxay markii ugu horeysay ku kulmeen shirkii Chevening ee lagu qabtay UK bishii June 2012. Waxaanu ku heshiinay inaanu iska kaashano waxyaabaha aanu wada danaynayno. Somaliland iyo Somali waxay qaybo kale oo wada-hadalo ahi ku dhexmaray Turkiga, kuwaas oo heer wasiiro ahaa, waxaana ka mid ahaa kii bishan horraanteedii qabsoomay. Wasiiru-dawlaha Arrimaha Afrika u qaabilsan Wasaaradda Khaarajiga iyo Xafiiska Barwaaqo-Sooranka, Mudanaha aanu saaxiibka nahay ee Mr. Simmonds, ayaa kulan uu kula yeeshay magaalada Addis Ababa oo uu ka socday Shirweynaha Midowga Afrika ee 2014 wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxa uu ugu bandhigay siday muhiim u tahay in [wada-hadalada Somaliland iyo Somalia] uu ka soo baxo xal kama-dambays ah isla markaana labada dhinacba ay ku wada-qanacsan.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 


Exit mobile version