|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Britain Oo Ka Hadashay Muhiimadda Ay Leedahay in Xal Kama Dambays Ahi Ka Soo Baxo Wada-Hadalada U Dhexeeya Somaliland Iyo Somalia.
January 31, 2014 - Written by Editor:WAJAALENEWS Xukuumadda yadu waxay u aragtaa inay Somaliland iyo Somalia ay u taalo inay iyaga laftoodu go’aan sadaan xidhiidhka mustaqbalkoodu nooca uu noqonayo, isla markaana dalalka jaarka la ah ee gobolkaasi ku yaallaa ay tahay inay…..
Dawladda Britain ayaa sheegtay inay dawladda Somalia kala hadashay siday muhiim u tahay in xal kama-dambays ah, isla markaana labada dhinac ka wada-raali yihiin uu ka soo baxo wada-hadalada u dhexeeya dawladaha Somaliland iyo Somalia. Waxayse iyadoo ka hadlaysa wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, Ms. Baroness Warsi tidhi: “Tan iyo shirkii London lagu qabtay bishii February 2012, ‘kaas oo lagu aqoonsaday baahida loo qabo inay Beesha Caalamku gacan siiyaan wada-hadal kasta oo dhexmara Somaliland iyo Dawladda Ku-meel-gaadhka Federaalka (TFG) ama dawlada bedesha, si ay ugu heshiiyaan abuuritaanka wada-hadal ay ku gaadhaan xidhiidhkooda mustaqbalka ay yeelanayaa’, Somaliland iyo TFG waxay markii ugu horeysay ku kulmeen shirkii Chevening ee lagu qabtay UK bishii June 2012. Waxaanu ku heshiinay inaanu iska kaashano waxyaabaha aanu wada danaynayno. Somaliland iyo Somali waxay qaybo kale oo wada-hadalo ahi ku dhexmaray Turkiga, kuwaas oo heer wasiiro ahaa, waxaana ka mid ahaa kii bishan horraanteedii qabsoomay. Wasiiru-dawlaha Arrimaha Afrika u qaabilsan Wasaaradda Khaarajiga iyo Xafiiska Barwaaqo-Sooranka, Mudanaha aanu saaxiibka nahay ee Mr. Simmonds, ayaa kulan uu kula yeeshay magaalada Addis Ababa oo uu ka socday Shirweynaha Midowga Afrika ee 2014 wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxa uu ugu bandhigay siday muhiim u tahay in [wada-hadalada Somaliland iyo Somalia] uu ka soo baxo xal kama-dambays ah isla markaana labada dhinacba ay ku wada-qanacsan. WAJAALENEWS DESK EMAIL;wajalenews@gmail.com
Related posts:Madaxweynaha Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Terminal Cusub Oo Loogu Magac Daray Kuweyt Terminal Oo... GUDAHA KA AKHRI; Axmed Siilaanyo Iyo Kacaan Beeleed Kiisu Qodobada Ay Ku Guuleysteen Ee Dhinaca fede... Hay'adda Shaqaalaha Jsl Oo Tartan Loo Gelayo 50-Kaalmo Shaqooyin Dawladdu Qaadanayso U Qabatay Dha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|