WAJAALE NEWS

Danjire Cawil Oo Si Cad U Qeexay Macnaha Ereyga Loo Adeegsaday Qodobka 9aad Ee Heshiiska Turkiga & Faraqa U Dhexeeya Labada Erey Ee Muranka Keenay

Danjire Cawil Oo Si Cad U Qeexay Macnaha Ereyga Loo Adeegsaday Qodobka 9aad Ee Heshiiska Turkiga & Faraqa U Dhexeeya Labada Erey Ee Muranka Keenay

Hargeisa-(wajaalenews)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, ayaa si adag uga hadlay qodobka 9aad ee heshiskii ay Somaliland iyo Somaliya ku kala saxeexdeen wadanka Turkiga, kaas oo ka hadlayay xasuuqii ay dawladii Maxamed Siyaad Barre u gaysatay shacabka Somaliland.

Qodobkaas oo ereyga loo adeegsaday uu ahaa (Atrocity) oo noqonaya cadaawad iyo axmaqnimo   waxay qaybo ka mid ah shacabka iyo aqoonyahanka Somaliland sheegeen inay ahayd in la isticmaalo (Genocide) oo noqonaya xasuuq, laakiin xukuumadda Somaliland ayaa difaacday kelmadaas iyagoo sheegay in kelmadan (Atrocity) tahay xasuuq. Xisbiyada mucaaradka ayaa iyaguna sheegay in qodobkaasi noqday gool laga dhaliyay ergadii Somaliland ka socotay, maadaama oo ay sharci ahaan kala macno yihiin labadaas kelmadood (Genocide iyo atrocity).

Haddaba, Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu isku dayay inuu la xidhiidho dhinacyo kala duwan oo ka madaxbanaan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah sida sharciyaqaano amaba diblomaasiyiin, waxaanu shalay mawduucan ka waraystay Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ku sugan magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya.

Cawil, wuxuu sheegay inuu faraq dhinaca sharciga ahi u dhexeeyo labadaas kelmadood, waxaanu sheegay in falalkii ay dawladii Maxamed Siyaad Barre kula kacday shacabka Somaliland uu ahaa xasuuq (Genocide) la mid ahaa xasuuqii Ruwaanda ka dhacay balse aanu ahayn fal cadaawad iyo axmaqnimo ah (Atrocity). “Kelmada Genocide waa xasuuq, kelmada atrocity iyana waa cadaawad axmaqnimo ah. Marka wada hadaladu socdaan, guddigaagu waa inay halka ugu adag qabsataa marka hore, qofka libiqsada had iyo jeer waa laga adkaanayaa, Somaliland wixii ku dhacay waxay dabada ku haysay, xasuuq (Genocide) waa markay dawlad xukun haysaa ay dad  gaar ah isir ahaan u beegsato, dawladii Ruwaanda ee Hutigu markay Isir ahaan u raadsatay Tutsiga, waxay ahayd Xasuuq (Genocide), falalkii dawladii Siyaad Barrena wuxuu ahaa xasuuq dad gaar ah loo beegsanayay isir ahaan.”

Cawil Cali Ducaale, wuxuu sheegay oo uu soo xigtay hadalo laga hayo Maxamed Cali Samatar oo ahaa madaxweyne-xigeen iyo wasiirkii gaashaandhiga ee Siyaad Barre, kuwaas oo uu ku tiraabay habeenadii ay Hargeysa ku socotay duqayntii ugu xumayd, waxaanu Cawil yidhi, “Marka Somaliland dib loo raaco habeenkii Cali Samatar amarka ku bixinayay saqdii dhexe in Hargeysa madfac iyo diyaarad lagu garaaco, saraakiishii joogtay raggu isku dareen maaha sarkaal ayaa ku yidhi taliye shan boqol oo kun ayaa hurda caawa magaalada, oo haween, carruur iyo odayaal leh, miyaanay fiicnayn inaynu nidhaahno magaalada ka baxa intaynaan  duqayn, jawaabtii Samatar waxay ahayd ‘macno malaha markay duqayntu dhammaato ayaan qof walba baloodhkuu lahaa u cabiraynaa. Diyaaradihii ay calooshood u shaqaystayaashu wadeen  waa kuwii haweenka iyo carruurta baxayay garaacayay, safaaradda Maraykanka ayaa ugu yeedhay Muqdisho oo ku tidhi  jabhadda hubaysan garanay inaad garaacdaan, laakiin dad maato ah oo qaxaya inaad garaacdaan maaha, maxaad sidaas u yeelaysaan, jawaabtay siiyeen waxay ahayd annagu calooshood u shaqaystayaal ayaanu nahay nooma qorna naxariisi, heshiis ayaanu galnaa, heshiiskaas waxaanu ku galnaa oo lanagu amray dadkaasi  [Somaliland] waa isku wada mid kuligood inaanu garaacno, markii dambe waa kii maraykanku qaaday nimankaas ee Cumaan la geeyay ee shaqo laga siiyay ee laga kexeeyay Somaliya.”

Cawil Cali Ducaale, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Kelmadaas marka la isku qabsado waxay ahayd inay culayskeeda dareemaan oo ay yidhaahdaan aynu isku soo noqono, sababtoo ah kelmadaha qaarkood ayaan laga dhaqaaqin oo waxaad u eekaynaysaa nin aan dhabar adayg lahayn, waxay ahaydin in la yidhaahdo xasuuq [Genocide] ayaa la nagu sameeyay ee aan isku soo noqono hadaydaan diyaar u ahayn inaad qirtaan kelmadaas.  Maraykanka iyo Vitnam markii ay heshiinayeen kelmado ayaa jiray saddex bilood la isku haysan jiray in la bedel iyo inaan la bedelin, waxa haboonayd si miisaanka uu xasuuqaasi dadkeena ku leeyahay loo ogaado in la yidhaahdo annagu xasuuq ayaanu u aragnayaye, haddaydaan u arag aynu shirka dambe isugu soo noqono haddii aydaan kelmadaas xasuuq [Genocide] ogolayn. Sababtoo ah markaad kelmadaas [Genocide] ku dhegantahay adduunka ayaa ogaanaya inaynu isku haysano xasuuq oo ah kelmad dunida miisaankeeda iyo culayskeeda ku leh.”

Cawil, wuxuu yidhi, “Markaas waxay ahayd  inay weftigeenu  yidhaahdaan xasuuq [genocide] ayaa la qorayaa ee  haddaydaan ogolayn aynu shirka dambe ka wada hadalno, shirarkana waxa la dirtaa rag adag oo aan la doorin Karin, waa in dadkaad shirarka u diranayso loo xulaa ragga ugu adag.”

Geeska

Exit mobile version