Dushiinay ceebi timide Soo data Kuwii idinka ka daran soo data Diir iyo ayax oomanoow ka data Dir iyo daabaan gabaay ka daado
Hargeysa (WAJAALENEWS) – Abwaan Jaamac Faarax Axmed Oo Ka Mid Ah Hal Abuurada Reer Somaliland, geesta kalena ku jira Xildhibaanada Golaha GuurtidaSomaliland ayaa tiriyay hees cusub oo la yidhaahdo Soo Daata.
|
Heestan oo dhawaan lagu luuqayn doono ayaa waxa ay shabakada wararka ee wajaalenews heshay midhaheedii oo dhamaystiran, waxaanay u dhignaayeen sidan.>
Siyaasadii dibadiyo
Dalkiyo tii tiil gudaha
Dariiqeedii ka baydhay
Dagtoo wax isdaba maryaysay
Dil iyo dhagar noo horseeday
Tashiga duul kula wadaagay
*** **** ****
Soo doog baan lahaaye
Ka sii dar hadii ay ahaatay
Dan guud iyo boobisteeda
Duul ooman waraabintooda
Adoo duma-baa roone
Dilaalka badheedhayoow
**** ***
Dushiinay ceebi taale soo data
Kuwii idinkaa ka darane soo data
Diir iyo ayax oomanoow ka data
Xilkaanu kuu dooraniyo
Dantii Somaliland
Dayaysay daryeeli wayday
Qabyaaladii daaha qaaday
Doc iyo reer-reer istaagtay
Shir beeleed dib ugu guurnay
Danqaabadii aad abuurtay
Dix iyo ceel lama wadaago
Sidaad duulaan tihiin
Dalkiyo beeshaba qabsaday
Dagmadu tiinii ahayn
Hadhuubkiyo doobigii
Markaw darandoorideen
Dushiinay ceebi timide Soo data
Kuwii idinka ka daran soo data
Diir iyo ayax oomanoow ka data
Dir iyo daabaan gabaay ka daado
Waa erayadii Abwaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo)
|