Akhriso: Hees Cusub “Soo Daata” Erayadii Abwaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Akhriso: Hees Cusub “Soo Daata” Erayadii Abwaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo)
January 1, 2014 - Written by Editor:

Dushiinay ceebi timide Soo data Kuwii idinka ka daran soo data Diir iyo ayax oomanoow ka data Dir iyo daabaan gabaay ka daado

Hargeysa (WAJAALENEWS) – Abwaan Jaamac Faarax  Axmed Oo Ka Mid Ah Hal Abuurada Reer Somaliland, geesta kalena ku jira Xildhibaanada Golaha GuurtidaSomaliland ayaa tiriyay hees cusub oo la yidhaahdo Soo Daata.

 jamac riyo

Heestan oo dhawaan lagu luuqayn doono ayaa waxa ay shabakada wararka ee wajaalenews heshay midhaheedii oo dhamaystiran, waxaanay u dhignaayeen sidan.>

 

Siyaasadii dibadiyo

Dalkiyo tii tiil gudaha

Dariiqeedii ka baydhay

Dagtoo wax isdaba maryaysay

Dil iyo dhagar noo horseeday

Tashiga duul kula wadaagay

 ***      ****         ****

Soo doog baan lahaaye

Ka sii dar hadii ay ahaatay

Dan guud iyo boobisteeda

Duul ooman waraabintooda

Adoo duma-baa roone

Dilaalka badheedhayoow

 ****      ***

Dushiinay ceebi taale soo data

Kuwii idinkaa ka darane soo data

Diir iyo ayax oomanoow ka data

 

 Xilkaanu kuu dooraniyo

Dantii Somaliland

Dayaysay daryeeli wayday

Qabyaaladii daaha qaaday

Doc iyo reer-reer istaagtay

Shir beeleed dib ugu guurnay

 

Danqaabadii aad abuurtay

Dix iyo ceel lama wadaago

Sidaad duulaan tihiin

Dalkiyo beeshaba qabsaday

Dagmadu tiinii ahayn

Hadhuubkiyo doobigii

Markaw darandoorideen

Dushiinay ceebi timide Soo data

Kuwii idinka ka daran soo data

Diir iyo ayax oomanoow ka data

Dir iyo daabaan gabaay ka daado

Waa erayadii Abwaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo)

COMMENTS
LINKS