Hargeysa(wajaalenews) -Abwaan Axmed Aw Geedi (Dheeraad), ayaa ibo Furay maanso cusub oo la magac baxaday Garbo-Diir, taas oo uu xaflad ballaadhan oo uu Hargeysa ku qabtay ku daah furay Abwaanu waxa uu maansadan Garbo-Diir ku dhaliilayaa xukuumadda haatan talada dalka haysa isaga oo u soo jeediyay dhaliilo ay ka mid yahiin cadaalad daro,horumar la’aan iyo mid ku durdurisay shacabkii shalay doortay.
Dhinaca kale maansadan uu Abwaan Axmed Awgeedi soo saaray waxa ay ku soo beegmaysaa xilli uu Abwaan Xildhibaan Jaamac Riyo uu soo tumay hees uu midhaheeda dhawaan sameeyay oo la magic baxday iyaduna “Soo daata ayax oomayow”taasi oo uu isla maanta codkiisa ku soo saaray xildhibaanu.waxa ay u muuqataa in ay xukuumadda madaxwayne silanyo haatan ku soo furmayaan badwaynta suugaantu isla markaana ay haatan Abwaaniintii suugaantoodii ku weerarayaan xukunka Silanyo.
Wuxuu geelu dararaa
Markuu guri-san daaqaa
Wuxuu ramadku deexdaa
Marka uu nirgaha dayo
Wuxuu awrku doobyaa
Marku qooq ku dacal dhabo
Wuxuu farasku dananaa
Markuu waagu daalaco
Waxa gabadh la doonaa
Marka guudka loo dabo
Wuxuu geesi diriraa
Markay hiiri damaqdaa
Wuxuu gabay dux leeyahay
Marka loo dareen qabo
Maantana darmaantii
Calan sidaa diyaaroo
Dawineysa heestee
Ka rog dhacanta deyroow
Gudgudaa ka da’ay Hawd
Waqal baa ku maax dumay
Geediga la dalandali
Doog raace reeruhu
La dareeri xoolaha
Kaayaga se daaqiyo
Meeshii degsiimo leh
Dibaa looga celiyaa
Anna waxan la duubnahay
Dareenkayga shidayaa
Dunqulaalshay waa kaa
Dantu waxay u baahneyd
Intaan doolka geediga
La dareerin gumarada
Cid horseedka loo dayo
Dantu waxay u baahnayd
Baadida nin deydaya
Ka dib jireyna soo hela
Isku daadaheeyaha
Dantu waxay u baahneyd
Duco qabe la mahadshiyo
Odey beela daaje ah
Iyo hanad ma daale ah
Dantu waxay u baahneyd
Door iyo waxgarad haga
Hayin biyo madaadshe ah
Marna geesi daafaca
Dantu waxay u baahneyd
Nabarada damqanayaa
Doog iyo ladh keenee
Mid daweeya boogaha
Dakharada sabool dhaya
Dantu waxay u baahney
Dihnigii galaydhkiyo
Dareen galaw mid yeeshoo
Daakiraada sara kaca
Afartaa dugaagado
Dahab miidhan maw xidhay
Iyo darayo muuskii
Rabow waxa I daashadey
Daruur heemaneysoo
Misna aan da’aynoo
Soo haabo diidoo
Samalaho dabayl iyo
Onkod iyo dayaan badan
Oo aan darooreyn
Rabow waxa I daashadey
Rati doobta laliyoo
Hadii geela lagu daro
Daruur aan shaf saareyn
Ama qaalmo deer-cada
Weligii dalaan-dalin
La soco…………
Hoos Ka Akhriso Midhaha Heestii Jaamac Riyo Oo Iyada Maanta La Soo Tumay.
Siyaasadii dibadiyo
Dalkiyo tii tiil gudaha
Dariiqeedii ka baydhay
Dagtoo wax isdaba maryaysay
Dil iyo dhagar noo horseeday
Tashiga duul kula wadaagay
*** **** ****
Soo doog baan lahaaye
Ka sii dar haddii ay ahaatay
Dan guud iyo boobisteeda
Duul ooman waraabintooda
Adoo duma-baa roone
Dilaalka badheedhayoow
**** ***
Dushiinay ceebi taale soo daata.
Kuwii idinkaa ka darane soo data
Diir iyo ayax oomanoow ka daata
Xilkaanu kuu dooraniyo
Dantii Somaliland
Dayaysay daryeeli wayday
Qabyaaladii daaha qaaday
Doc iyo reer-reer istaagtay
Shir beeleed dib ugu guurnay
Danqaabadii aad abuurtay
Dix iyo ceel lama wadaago
Sidaad duulaan tihiin
Dalkiyo beeshaba qabsaday
Degmadu tiinii ahayn
Hadhuubkiyo doobigii
Markaw darandoorideen
Dushiinay ceebi timide Soo daata
Kuwii idinkaa ka daran soo data
Diir iyo ayax oomanoow ka data
Dir iyo daabaan gabaay ka daado.
WAJAALENEWS DESK