|
|||||
WAJAALE NEWS
Abwaan Axmed Aw Geedi Oo Ibo Furay Maanso La Baxday Garbo-Diir Oo Uu Ku Dhaliilayo Xukunka Madaxwayne Silanyo,Xilli Uu Jamac Riyo Soo Tumay Hees Uu Sidan Oo Kale Silanyo Ku Dhaliilay Iyo Guluf Sugaaneed Ku Kacay Xukuumadda Silanyo.
January 18, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(wajaalenews) -Abwaan Axmed Aw Geedi (Dheeraad), ayaa ibo Furay maanso cusub oo la magac baxaday Garbo-Diir, taas oo uu xaflad ballaadhan oo uu Hargeysa ku qabtay ku daah furay Abwaanu waxa uu maansadan Garbo-Diir ku dhaliilayaa xukuumadda haatan talada dalka haysa isaga oo u soo jeediyay dhaliilo ay ka mid yahiin cadaalad daro,horumar la’aan iyo mid ku durdurisay shacabkii shalay doortay. Dhinaca kale maansadan uu Abwaan Axmed Awgeedi soo saaray waxa ay ku soo beegmaysaa xilli uu Abwaan Xildhibaan Jaamac Riyo uu soo tumay hees uu midhaheeda dhawaan sameeyay oo la magic baxday iyaduna “Soo daata ayax oomayow”taasi oo uu isla maanta codkiisa ku soo saaray xildhibaanu.waxa ay u muuqataa in ay xukuumadda madaxwayne silanyo haatan ku soo furmayaan badwaynta suugaantu isla markaana ay haatan Abwaaniintii suugaantoodii ku weerarayaan xukunka Silanyo. Wuxuu geelu dararaa Markuu guri-san daaqaa Wuxuu ramadku deexdaa Marka uu nirgaha dayo Wuxuu awrku doobyaa Marku qooq ku dacal dhabo Wuxuu farasku dananaa Markuu waagu daalaco Waxa gabadh la doonaa Marka guudka loo dabo Wuxuu geesi diriraa Markay hiiri damaqdaa Wuxuu gabay dux leeyahay Marka loo dareen qabo Maantana darmaantii Calan sidaa diyaaroo Dawineysa heestee Ka rog dhacanta deyroow Gudgudaa ka da’ay Hawd Waqal baa ku maax dumay Geediga la dalandali Doog raace reeruhu La dareeri xoolaha Kaayaga se daaqiyo Meeshii degsiimo leh Dibaa looga celiyaa Anna waxan la duubnahay Dareenkayga shidayaa Dunqulaalshay waa kaa
Dantu waxay u baahneyd Intaan doolka geediga La dareerin gumarada Cid horseedka loo dayo Dantu waxay u baahnayd Baadida nin deydaya Ka dib jireyna soo hela Isku daadaheeyaha
Dantu waxay u baahneyd Duco qabe la mahadshiyo Odey beela daaje ah Iyo hanad ma daale ah Dantu waxay u baahneyd Door iyo waxgarad haga Hayin biyo madaadshe ah Marna geesi daafaca
Dantu waxay u baahneyd Nabarada damqanayaa Doog iyo ladh keenee Mid daweeya boogaha Dakharada sabool dhaya
Dantu waxay u baahney Dihnigii galaydhkiyo Dareen galaw mid yeeshoo Daakiraada sara kaca
Afartaa dugaagado Dahab miidhan maw xidhay Iyo darayo muuskii
Rabow waxa I daashadey Daruur heemaneysoo Misna aan da’aynoo Soo haabo diidoo Samalaho dabayl iyo Onkod iyo dayaan badan Oo aan darooreyn
Rabow waxa I daashadey Rati doobta laliyoo Hadii geela lagu daro Daruur aan shaf saareyn Ama qaalmo deer-cada Weligii dalaan-dalin La soco…………
Hoos Ka Akhriso Midhaha Heestii Jaamac Riyo Oo Iyada Maanta La Soo Tumay. Siyaasadii dibadiyo Dalkiyo tii tiil gudaha Dariiqeedii ka baydhay Dagtoo wax isdaba maryaysay Dil iyo dhagar noo horseeday Tashiga duul kula wadaagay *** **** **** Soo doog baan lahaaye Ka sii dar haddii ay ahaatay Dan guud iyo boobisteeda Duul ooman waraabintooda Adoo duma-baa roone Dilaalka badheedhayoow **** *** Dushiinay ceebi taale soo daata.
Kuwii idinkaa ka darane soo data Diir iyo ayax oomanoow ka daata Xilkaanu kuu dooraniyo Dantii Somaliland Dayaysay daryeeli wayday Qabyaaladii daaha qaaday Doc iyo reer-reer istaagtay Shir beeleed dib ugu guurnay Danqaabadii aad abuurtay Dix iyo ceel lama wadaago Sidaad duulaan tihiin Dalkiyo beeshaba qabsaday Degmadu tiinii ahayn Hadhuubkiyo doobigii Markaw darandoorideen Dushiinay ceebi timide Soo daata Kuwii idinkaa ka daran soo data Diir iyo ayax oomanoow ka data Dir iyo daabaan gabaay ka daado. WAJAALENEWS DESK Related posts:DAAWO; Nasashada Ciida Iyo fanaanada Hani Uk Oo Soo Saartay Heesta Cusub Ee “Igahoo Kalgacal Igahoo... Safiirkii Hore Ee Maraykanka Ujoogay Somaliya Oo Ka Hadlay Sida Uu farmaajo Ugu fashilmay Hogaaminta... DAAWO; Dadwayaha ku Dhaqan Gobolka Gabiley oo ay Xaalad Biyo La,aan Ah Soo Foodsaartay Dadka Abaarah... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|