Haro daafta joogtiyo,
Isagoo ku jira daad,
Kii harraadka kugu dilay,
Adna dooraddaadiyo,
Marka roobku kuu da’o,
Dur-durkiyo xareedaa,
Docda adiga kuu yaal,
Is-na kalaxa haw darin.
Deebaaq qadhaadh iyo,
Dalqadaba wax aan gelin,
Kii durduuro kugu yidhi,
Dacar inad u qooshtay,
Dooddani ku faraysaa.
Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,
30/1/2014ka, Hargeysa,
cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Golaha Wakiillada: Ma demmen baa dareen galay?
Doobir! Allahayow na badbaadi. Waa goorma goorteed! La-ye boodhka iska tume. Soo giirte oo kace. Loo noqoy Dastuurkiyo xeerarkii dalka u yiil. Xeer-hoosaadkii saaqnaa, sillanaa, sawaabnaa, la-ye saafe oo saxe. Hugunkii la soo dhaaf, Shir-guddoon kadeednaa oo karaamadii tiray, la-ye koore lagu laal, la weydaari kodadii. Kadinkii ay boobeen, kibirkoodii baa jabay. La
sheeg in ay kabna lulayeen, kabna laallaadinayeen. Yeelkadood.
Bal ka warrama marka aynu ka dudno dhaqan-gelinta Dastuurka ee Gole qaldanaa isa saxo. Weliba yaa dudaya? Waa ku-xigeennadii intaas oo sannadood go’aammada aan biraysnayn inagu qasbayay. Wax Shir-guddoon la yidhaahdo oo Dastuurka ku jiraa ma jiro. Dastuurku Guddoomiye/Af-hayeen iyo laba ku-xigeen ayuu tilmaamayaa. Ninka diiddani isaga ayaa circa roob ku og.
Waxa la isla dhex marayay Golihii Wakiillada ayaa toosay. Anigu qoladii dul joogsatay ayaan ka mid ahaa. Wax daallan oo hurdo dheereyd ka toosay ayay u muuqdeen. Dhulka ayay weli jiifeen. In yar ayay hagoogta iska rogeen oo madaxaba kor uma ay qaadin. Il waa ay ka hurdeen midna wax yar ayay kala hayeen. Waa ay yaabbanaayeen oo lahaayeen: “Waa maxay waxa dhacay?” Dadkii dul taagnaa ayaa ku lahaa:”War ma haysaan e’ bal horto soo toosa oo dal iyo dadba soo daawada.”
Waxyaabo badan ayaa looga fadhiyaa Golahan Wakiillada ee intaas oo sannadood ka dib maanta soo baraarugay.
Xeer-hoosaadkan ay u dabbaal-degayaan:
Ama Xeer-hoosaad dhab ah oo dal iyo dadba loo aayo ayuu noqon ama mandiil xiirta oo nin dan lihi sito. Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilladu haddii uu iyaga qaban waayo, go’aan kasta oo ay gaadhaanba wuxu noqonayaa wax kama jiraan. Golaha Xubnihiisu makhaayadaha dalka gudihiisa iyo dibadba fadhiyaan ee aan sidaa ku abaal-marin karayn, cid dambe oo wax ka dhegaysanaysaa ma jirto. Waxa laga yaabaa in Xildhibaanno ku-sheegyada qaarkood sannado ay iska maqnaayeen, xuquuqdoodana qaadan jireen. Taasi wax soconaya ma aha. Iyaga oo aan taas waxba ka qaban waxay xukuumad iyo cid kale ugu bu’aanba waa gar-darro. Haddii ay sidaas yeeli waayaan Golaha Wakiilladu, waxaanu leenahay: “Xidh-gool iyo waanu ka nool nahay tii xagaayo hore.” Marka dhallinyarada loo jilciyo waxa looga jeedaa abaaro iyo colaado hore oo na soo marayba, waa ka nool nahay. Waxa laga yaabaa in uu beydkaasi buraanbur ahaa, haweenkuna xikmadda wax badan ayay ku leeyihiin.
Imtixaannada ay tahay in ay maraan Golaha Wakiilladu waxa ka mid ah Xeerarkii xad-gudubka ahaa ee ay hore u oggolaadeen in ay dib u eegaan oo u qiimeeyaan. Xeerarkaa waxa ugu horreeya kii ay ku go’aamiyeen in ay muddo sannad ah sii qaataan mushaharkooda marka ay xilka ka tagaan. Maxaa inaga xumaan lahaaba haddii aynu garanayn lahayn goorta ay inaga tegayaan. Iyagii oo muddo dhaaf ah ayay muddo kale oo aanay markaa xilba hayn lacag iyo mushahar sii qoondaysanayaan. Hadda sannadaha ay dul-saarka inagu ahaayeen uma muuqdaan.
Waxyaabaha looga fadhiyo in ay dib u eegaan ee imtixaanka ku ah, waxa ka mid arrinta muranka badan dadka ku dhex abuurtay ee Guddoomiyaha Golaha ee labada xil haya. Waa lagu kala aragti duwan yahay, waxa se loo baahan in uu Golaha Wakiilladu arrintan dood geliyo oo wax la isla meel-dhigo. Haddii uu Goluhu arrimahaa ku dhiirran waayo oo si maan-gal ah oo dal iyo dadba u cuntanta uga go’aan qaadan waayo, waxay u badnaanaysaa in aanay dhicin wax is-doorshayba.
Dib-u-eegista qaar ka mid ah Xeerarkii hore:
Xeerarka aan u jeedo waxaan u holladay in aan weydiiyo odeygeenna guunka ah ee Google-ka, bal waxaan is-idhi waxba odeyga ha daalin e’, si’ kale u dhig. Golahani in uu ka soo toosay hurdadii dheerayd, waxa la rumeysanayaa haddii uu go’aansado in uu dib u eego Xeerarkii aan la mahadin ee aanay ummaddani galabsan ee ay oodda kaga soo qaadeen. Sida ugu fudud ee Xeerarkaa lagu tilmaami karaa ama baadi-soocdooda loo muujin karaa waa in alle yaale inta Xeer hore lagu qoray: “DUUDDUUB AYAA LAGU ANSIXIYAY.” Bil ammaara waxa ugu darraa kii Sir-doonka, Cashuuraha waddo-marista, Lacagaha Madaarrada ee dul-saarka ah iyo qaar kale oo badan, waa halkii Maxamed Mooge e’.
Qiimaynta iyo qaddarinta Xeerarka hor yaal:
Golaheennan Wakiillada ee joojiyay heestii ay qaadi jireen ee “Gama’ii hurdada dheer,” waxa looga fadhiyaa in ay si maan-gal ah oo aan cidna lagu xumaynayn ama jiq loogu siinayn in ay u eegaan Xeerarka hor yaal. Wixii dal iyo dadba u dan ah in ay xilkooda ka gutaan oo gudbiyaan isla markaana ansixiyaan. Loogama fadhiyo Golahan leh hadda ayaanu baraarugnay in ay dabin iyo suuryo ku noqdaan Xukuumadda iyo Madaxweynahaba. Wixii ay ku saxan yihiin ha ku raacaan, wixii ay ku qaldan yihiinna, sida danta guud ku jirto ha u saxaan.
Dhammaad iyo tirsiga 9aad ee Khamiista dambe, haddii Eebbe idmo