Dubai(wajaalenews) Xukuumadda Somaliland iyo kooxda lamagacbaxday Awdalstate ayaa wadahadal uga socday Dalka Imaaaraadka Carabta ka soo saaray war-murtiyeed kooban oo ay ku caddeeyeen in ay is-af-garad ka gaadheen kulamadii ay yeesheen.
Wadahadalada Xukuumadda Somaliland iyo Madaxda Awdalstate yeesheen waxa labada dhinac u kala metelayey afar xubnood oo lababa dhinac ka soo jeedaan.
Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar oo dhinaca Somaliland u metelayey iyo Siciid Saleebaan Mire wadahadalada ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo wakiishay wadahadalada ay la yeesheen madaxda ay la kulmeen, waxaanu sheegay in ay heshiis ka gaadhee n qoddobo ay ka mid yihiin in wadahadalku sii socda iyo in Nabadgelyo iyo wlaalnimo lagu dhameeyo wixii la kala tabanayo.
Maaxweynaha Maamulka Awdalstate Rashiid Aw Nuur Xirsi oo ay wehelinaysay ku-xigeenkiisu Aamina Daahir Aadan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wadahadalka ay la bilaabeen Somaliland isagoo balan qaaday in ay diyaar u yihiin in wanaag laga gaadho dariiqa u furmay labada dhinac
xukuumada somliland ayaa ku kacday arin lafjab ku ah qaranka somaliland baalana marsan shuruucdii dalkan u yiil iyadoo aqoon satay kooxyar oo dibad wareeg ahayd islamarkaana u dirtay badhasabkii awdal iyo xubin kale oo ay isku beel yihiin
hadaba goorma ayuu shaqadii wasiirka arimaha dibada lawareegay badhasaabka awdal awoodse ma u lee yahay inuu dalka dibadiisa wadahadal ku gali karo? waxaa kaloo iswaydiinle madaxwaynuhu mawuxuu waayay cid uu ku aamino arintan oon beeshiisa ahayd, dalka miyaan cidi lajoogin/ ma isxilqaan beeshiisa ah baa
markaad eegto arintan oo kale waa arin lafjab ku ah qaran waxayna nusqaan ku tahay hayba qaraninmada
WAJAALENEWS
HARGEISA OFFICE