WAJAALE NEWS

Xukuumadda Oo Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ku Amartay In Ay Taayirada Ka Ururiso Banjarlayaasha Taayiradda Baabuurta,Baqasho Ay Ka Qabtay In Mudaharaad Ka Dhaco Hargeysa.

Hargeysa(Wajaale News):-Dawladda Hoose ee Hargeysa oo adeegsanaysa Iska-ragooyin waaweyn ayaa saaka ku soo kalahday Banjarlayaasha laga naqaseeyo taayirada baabuurta ee  teedsan jidka dheer ee wadnaha Hargeysa, waxaanay ka ururisay dhamaan Taayiradii yaalay si aan loogu adeegsan Mudaharaadka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ku baaqay saaka.

Isku-rogooyinkan ayaa Ururiyey dhamaan Taayiradii Banjarlayaashaas yaalay oo qaarkood DUUG ahaayeen, halka qaarkood-na ay dadka macaamiisha ah u yaaleem, umanay kala aabo yeelin Ururintaas, waxaanay ka ordayeen inta aanay bilaabmin mudaharaadka ay ku baaqeen UCID.

Xisbiga talada hayaa ee Kulmiye ayaa markii ay mucaaradka ahaayeen u adeegsan jiray Taayiradan mudaharaadyadii ay kaga soo horjeedeen xisbigii talada hayey ee UDUB, waxaanay xiligaas u arkayeen wax kastaa in ay mubaax u yihiin, halka saaka ay wadnaha farta kaga hayaan ee ay ka ururinayaan Taayirada.

Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Taayiradan Ururinaysa ayaa tahli kari wayday in ay Ururiso Xashiishka buux dhaafiyey magaaladda, iyadoo goobaha ay Taayirada ka gurayeen ee wadada ay tuulnaayeen xashiish ay gabeen taasoo ah hawl maamlmeedkooda maalin laha ah, balse waxa ay ka door bideen Amarka ay saaka xukuumadda dhexe soo siisay ee la xidhiidha baqdinta ay ka qabaan Mudaharaadka Mucaaradka.

Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa la arkaa marka ay Madaxtooyaddu Muraad leedahay, halka inta kale aanay masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Doorashadoodii dhibaatada keentay aanay ugu shaqayn dadweynaha.

Si kasta ha ahaatee, lama oga Dawladda Hoose Taayirada ay ka Ururisay Banjarlayaasha Hargeysa in ay dib ugu soo celin doonto iyo inkale, hase yeeshee waxa muuqata in aanay dan ka lahayn dadka dan yarta ah ee Taayiradu u yaaleen ee ay saaka ka gurteen iyagoo aan wax wadahadal ah ama kala soocid ah kuwa la isticmaalayo iyo kuwa kale eegin.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version