WAJAALE NEWS

Wasiirka Duulista Oo Dhagax Dhigay Dhisme Masaajid Laga Hirgalinayo Madaarka Hargeysa.

Hargeysa(Wajaale News):-Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta dhagax dhigay dhisme masaajid cusub oo laga hir galinayo xarunta Madaarka Hargeysa.Masaajidkaasi oo ah mid balaadhan oo ay ku tukan doonaan dad gaadhaya ilaa Lix boqol oo qof ayaa waxa kharashkiisa bixinaysa Hay’ada Qadar Charity, waxa dhismahani hirgalinaysa shirkada Daryeel Construction.
http://www.somaliland.org/images/b/2013/12/20131205_095254.jpg
Munaasibad kooban oo maanta loo qabtay dhagax dhiga Masaajidkaasi ayaa waxa ka hadlay Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, isaga oo sharaxay baahida loo qabay balaadhinta masaajidkii hore ee Madaarka waxaanu yidhi “ waxa aynu maanta dhagax dhignay masaajid weyn oo loo samaynayo madaarka caasimada ee Cigaal, kaasi oo qayb ka ah balaadhinta, dib u dhiska, adkaynta iyo horumarinta madaarka caasimada ee aanu wadno, maalin walba aanu wax ku darno, madaarka wax u masaajid ahaa midkaa yare e halkaas ka muuqda, maadaama uu madaarkiina noqday mid weyn oo caalamiya oo dad badani ka dhoofaan kana soo dagaan, dhawaana aanu ku dari doono in habkiina uu shaqeeyo oo laga dhoofo, waxa soo baxday baahi weyn oo ah in madaarku u baahan yahay masaajid weyn oo qaada ilaa Lix boqol oo qof, oo rag iyo dumarba leh, mudo waxaanu ku jirnay yabooh sidii aanu masaajidkaas kharash lagu dhiso ugu heli lahayn.”

Wasiirka Maxamuud Xaashi ayaa intaasi kud aray “ waxa fulinaysa masaajdikan lacagtiisana bixinaysa Hay’ada Qadar Charity, aadna waanu ugu mahad celinayaa, halkii ay ka soo qaadeena Alle wax khayr qaba ha u galiyo waqafna ha ugu dhigo, shirka daryeel oo dhisnayna waxaanu ka rajaynayaa inay masaajid tayo leh, oo dhamaan adeegyada looga baahan yahay leh inay hir galiso.”

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu ka hadlay xilka Xukuumadda ka saaran arimaha diinta waxaanu yidhi “ xilka iyo waajibka xukuumadda saaran ayey ka mid tahay in maadaa dadku muslimiin wada yihiin in umadda loo diyaariyo goobo masaajido ah oo nafis ah oo ay ku cibaadaystaan, oo xamaamo wanaagsna leh, oo goobo ay ku waysaystaan leh, masaajidkan mid dhamaan adeegyadaasi leh ayuu noqon doonaa, Insha allaah.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version