Salaadiinta Beesha Sacad Muuse iyo Guddida xalinta khilaafaadka beesha ayaa Shir balaadhan oo ay saaka ku qabteen Huteelka Maan-soor kaga dhawaaqay Gudida qaban qaabada Shirka Sacad Muuse oo dhan 39 xubnood, kuwaasoo laga soo xulay Tusmooyinka beesha Sacad Muuse.
Kulankan lagaga dhawaaqay guddida qaban qaabada Sacad Muuse waxa laga soo jeediyay qudbado hogo tusaalayn ah oo guddida lagu farayo in ay sida ugu haboon uga soo baxaan qaban qaabada shirka Beesha Sacad Muuse, isla markaana waxa ay fareen dhamaan beel weynta Sacad Muuse Gudo iyo Dibedba iyagoo ka dalbaday in Guddidaas lala shaqeeyaan.
Odayaasha, Salaadiinta, Culimada iyo Aqoonyahankii madasha ka hadlay oo kala ahaa gudoomiyaha Guudida Turxaan saarka Beesha Xildhibaan Muxumed Axmed, Xildhibaan Sheekh Khaliif, Cumar Boobe Xandulle, Xildhibaan Suldaan Ismaciil Suldaan C/raxmaan, Suldaan Xiis Barre, Suldaan Mawliid Cali Sabaysa, Suldaan Xuseen Ismaaciil waxay ku dhawaaqeen guddida hoos ku qoran oo ay u aqoonsadeen guddida kali ah ee qaban qaabada shirka oo kala ah :-
1.Sheikh C/qaadir X Jaamac
2.Abiib Sheekh Cumar
3.Abshir Axmed Xasan
4.Dr: Axmed Cabdi Xuseen
5.Axmed Caduur C/laahi
6.Axmed Cilmi Samatar
7.C/raxmaan Abiib C/laahi
8.Axmed Ismaaciil Cismaan
9.Axmed Ibraahim Suldaan
10.Axmed Ismaaciil Saban
11.C/laahi Cabdi Muuse
12.Deeq Axmed Cumar
13.Maxamed Cilmi Xasan
14.Mire Sheekh Yoonis Axmed
15.Cali Meygaag Cilmi
16.Cumar Aw Jaamac Adhi-badane
17.Cumar Yuusuf Siciid
18.Ismaaciil Xuseen Cumar
19.Axmed Muxumed Cumar
20.Eng: Xaashi Cumar Cige
21.Ismaaciil Xaseenn Cumar
22.Khadar Ibraahim Dugsiiye
23.Maxamed Cabdi Daa’uud
24.Maxamed Cumar Askar
25.Maxamed Odowaa Cigaal
26.Muxumed Aw Xasan Cali
27.Muuse Obsiiye
28.Dayib Maxamed Rabiile
29.Yuusuf Cali Aadan
30.Siciid Cilmi Tukaale
31.Xasan Cismaan Bookh
32.Xasan Maxamed Cawaale
33.Cumar Maxamed Yey
34.Xuseen Maxamuud Axmed
35.Dr: Muuse Qaasim
36.C/risaaq Sheekh Aadan Cali
Dhamaan masuuliyiinta Beesha Sacad Muuse ee ka hadashay kulanka manta lagaga dhawaaqay waxa ay guddida qaban qaabada ka dalbadaeen mudada ay haystaan in ay soo diyaariyaan dhamaan shuruucda iyo Ajandayaasha shirka lagu hagi doono, oo ay ugu horeeyaan ururinta dhaqaalaha shirka lagu qaban doono.
Sidoo kale waxa laga sugayaa isku dubaridka dhamaan Agabka shirka lagu qaban doono oo dhan haddii ay tahay shaqaalaha Shirka, Sugida Amaanka, cayimida wakhtiga shirku socon doono, hogaanka shirka iyo Warbaahinta.
Shirka Beesha Sacad Muuse ayaa manta markale lagu celiyay inaanu wax siyaasad ah shaqo ku lahayn, isla markaana uu si rasmi ah u qabsoomi doono 17 bisha sideedaad ee sanadkan 2013-ka oo ku began ramadaanta kadib.
Wajaale News Desk
Hargeysa / Somaliland