Hargaysa (Wajaale-News)- wasaarada ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo agaasimaha guud Maxamed Dhabeeye ayaan maanta gabi ahaanba xafiiskooda ka soo xaadrin .
Wasaarada ciyaaraha somaliland ayaa in dhawaydba waxay isku badashay goob aan wax shaqo ahi ayna ka socon.
Wasiir Raygal ayaad mar walba waxaad ku arkaysaa isaga oo ka qayb galaya munaasibado aan shuqul ku lahayn wasaaradiisa, waxaana la tilmaamaa in wasiir raygal inta uu fadhiyo xafiiskiisa iyo inta uu maqan yahay ay badan tahay inta uu ka maqan yahay xafiiska,
Dhanka kale agaasimaha guud ee wasaarada ciyaara iyo dhalin yarada Md dhabeeya ayaa isagu ah nin shaqo jecel laakiin aan loo dhiibin meeshii uu u qalmayay, waxaana jaran jarta dawladnimo uu ka noqday mansab aad u weyn oo ka balaadhan oo aanu qaadi Karin ka dib markii loo magaccabay agaasimaha guud ee ciyaaraha.
Haddaba Md dhabeeya ayaa isagu badi kasoo xaadira xafiiskiisa wakhti hore laakiin marka uu ku caajiso ayaad ku arkaysaa isaga oo fadhiya maqaaxiyaha ka soo horjeeda wasaarada ciyaaraha oo badi wakhtigu kaga dhaco, haddii loo baahdana aan laga helayn xafiiskiisa.
Isku soo duuboo wasaarada ciyaaraha ayaad moodaa in anay kamid ahayn wasaardaha kale ee somaliland oo mar walba ay ka laadlaadaan qufulo iyadoon wax shaqo ahna ayna ka socon.
Labada masuul ee madaxwayne Siilaanyo u doortay in ay maamulaan wasaarada ayaa ka doorbiday in midna ka qayb galo munaasibadaha aan wasaarada lagu casuumin halka agaasimhuna sheeda ka ilaaliyo xafiisyada, si haddi masuul qaran u yimaado uu ugu kaco.
WAJAALE NEWS DESK
Contant Us : Wajalenews@gmail.com