WAJAALE NEWS

Wasiirk Cukuse Oo Shaqadii Ka Joojiyey Maareeyaha Telefishanka Qaranka Iyo Ciidamada Ilaada Wasaarada Warfaafinta Oo Kadinka Ka Celiyey Maareeyaha TV-ga.

wasir cukuseHargeysa(Wajaale News)-Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Somaliland Md. Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa Shaqadii Saaka ka joojiyey Mareeyaha Telefeshinka Qaranka Somaliland Md. Khadar Cali Gaas, waxaanu Wasiirku Qoraalka Shaqo ka joojinta ku Amray Ciidanka Ilaalada Xarunta Wasarada Warfaafinta in aanu ka soo gali karin maareyuhu albaabka wasaarada.

Arrintan ayaa ka Danbeysay ka dib markii uu khilaaf xoogani uu ka dhex dilaacay Wasiirka iyo Mareeyaha kuwaasi oo isku qabtay Guddi loo saaray in ay dib u eegis ku sameeyan lacagta mushahar ahaan ay u qaatan Shaqalaha Telefeshinka Qaranka oo la sheegay in lacagtoodu aad u kala badan tahay, wasiirka ayaa la sheegay in sababta guddidaasi khilaafka ka dhashay u magacaabay ay ahayd ka dib markii shaqalaha qaar ka mid ahi sheegeen in mushaharka  ay qaatan uu yar yahay, waxanu wasiirku sheegey in aanay caqli gal ahay in shaqaalaha qofna qaato 1,000 Dollar Midina uu qaato 150Dollar.

Dhanka  kale Wararku waxay intaasi ku darayaan isla saaka Mareeyaha oo doodnayey in uu xafiiskiisa  taago ay ciidanka boolisku u diideen in uu kadinka wasaarad ka galo iyaga oo  u sheegay in ay qabaan Amar Wasiir.

Mareeyaha Telefeshinka ayaa isla saaka Lagu arkayey isaga oo ku sugan Gobolka oo ah meesha ay wasaraadaha ugu badan ee dalku yaalan, waxaanu wakhtigaasi ku sugnaa wasarada Waxbarahada,Khilaafka soo kala dhex galay Wasiirka iyo Mareeyaha ayaan la ogaan doonin halka uu ku dhamandoono, waloow uu Madaxweyaha Somalialand Labadoodaba uu digreeto ku soo Magacaabay.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version