WAJAALE NEWS

Maxaa Iska Badalay Xafiiska Dalka Jabuuti Ku Leedahay Caasimada Somaliland, Mudadii Uu Joogay Ambasador Xuseen Kawaaliye?

Maxaa Iska Badalay Xidhiidka Somaliland Iyo Jabuuti Mudadii Uu Ambasador Xuseen Kawaaliye Ujoogay Jsl?

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Ayaa Mudo Afar Sano Iyo Dheeraad Laga Jooga Wuxu Wakiilada Dalkiisa Ufadhiya Somaliland Usoo Magacaabay Ambasador Xuseen Cumar Kawaaliye, Oo Hore xilal kala duwan uga soo qabtay dalka jabuuti isagoo ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Baarlamaanka Iyo xilal kale oo  arimaha diblamaasiyada la xidhiidha,

Hadaba Mudada Uu Xilka Hayay Safiirka Dalka jabuuti Ujooga Caasimada Somaliland Ee Hargaysa ayaa waxaa isbadal wayni ka bildhaamay Shaqada Safaraada Dalka Jabuuti Ku leedahay jsl iyo adeegyada ay uqabanayso Shacabka reer jabuti ee ku Dhaqan Somaliland oo waxyaabo badan oo ay safar dheer Ugu tagi jireen dalka jabuuti ay safaarada wakhti xaadirkan uqabato.

Waxyaabaha uu safiirka dalka jabuuti ufadhiya somaliland hirgaliyay ayaa waxaa kamid ah in ay diwaan galiyeen dadka reer jabuuti ee ku dhaqan Somaliland gaar ahaan dadka Tarmiiska ka qaada faransiiska Oo safaarada jabuuti ku leeyahay faransiisku ugu dhawayd kuna tagi jireen caasimada  kuwaasi oo safaaradu iyadoo hirgalinaysa siyaasada uu dalka ku Hogaamiyo madaxwayne Geele ee daryeelka iyo la socodka Shacabka reer jabuuti suurto galiyay in qorshe dadkaasi loogu fududaynayo baahiyihii ay jabuuti utagayeen Hirgaliyay si loo Fududaydiyo rabitaanka shacabka reer jabuuti .

Sidoo kale wakiilada dalka jabuuti ufadhiya Somaliland ayaa Shacabka reer jabuuti ee ku dhaqan Somaliland usameeyay Dadaalo loogu fudaydinayo  jadiidinta baasaboorka dalkooda in Ay halkan ka helaan suurto galiyay iyagoo jooga hargaysa taasi Oo ay kaga maarmeen safarkii ay ugu tagi jireen jabuti qoysaska Iyo caruurtooduba.

Dhanka kale  Safiirka dalka jabuuti uufadhiya Somaliland ayaa Tan iyo mudadii loo soo magacaabay wakiilka Somaliland Ujooga jabuuti isbadal wayni ku yimid xidhiidhkii labada dal Kaasi oo wixii labada dawladood ka xidhiidhayaa si deg deg ah Uga hela Jawaabta safaarada oo iyadu leh shaqada xidhiidhka Taasi Oo Kor uqaaday wada shaqaynta labada dawladood Haday Tahay Xidhiidhka ganacsiga,arimaha nabadgalyada iyo Arimaha siyaasada.

Wakiilka dalka jabuuti ufadhiya ayaa noqday wakiilkii ugu Firfircoonaa ee dalka jabuuti usoo magacowda Somaliland kaasi Oo isbadal muuqda ka sameeyay shaqada safaarada iyo Xidhiidhka labada dalka.

Sikastaba ha ahaatee wakiilka dawlada jabuuti Ufadhiya Somaliland ayaa mudadii uu joogay safaarada jabuuti ku Leeyahay somalland ka hirgaliyay isbadal laxaad leh kaasi oo Dhigay safaarada mid ushaqaysa safaaradaha caalamku u Shaqeeyaan iyadoo xafiiska ay ku leedahay Magaalada Hargaysa uu ka dhex tilaaman yahay kuwa dalalka dhigoodu ay Ku leeyihiin caasimada Somaliland, iyadoo dadka arimaha Siyaasada sida dhow ula socdaa ku tilmaamaan in wakiilada jabuuti ufadhiya somaliland kor uqaaday arimaha diblamaasiyadeed ee xafiiska oo dhinacyo kala duwan leh kuwaasi oo samcad wayn usoo jiidaya xukuumada Uu hogaamiyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele,

Dhanka kale masuuliyiinta safaarada jabuuti ee Somaliland ayaa Maalmihii udanbeeyay ku hawlanaayeen sidii ay shacabka reer jabuuti ee ku dhaqan Somaliland looga wacyi galin laha covid19 iyadoo udirayay wargalin la xidhiidha  in aanay wakhti xaadirkan  wax safar  ah ubixin maadama caalamku la tacaalayo xakamaynta xanuunka coronavirus oo  si xawli ah ugu faafay dunida halka uu dalka jabuutina dad badan haleelay cudurkaasi,

Fariinta wacyigalinta ee wakiilka Dalka jabuuti ujooga Somaliland shacabka reer jabuuti gaadhsiinayay ayaa waxay u fuliyeen qaab xidhiidhka telfonka ah iyo fariimo loogu diro qaybaha kala duwan ee bulshada ku xidhiidho.

Lasoco qaybo danbe

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version